DFS oo wado qorsho lagu furayo wadooyinka xiran iyo cirriiga ka jira Muqdisho

Dowladda Soomaaliya ayaa bilowday qorshe dib loogu furayo waddooyinka xiran ee magaalada Muqdisho, si loo yareeyo culeyska iyo ciriiriga ama jaamka ay dhibaatada ku qabaan shacabka Soomaaliyeed.

Guddi loo xilsaaray xal ka gaaraan ciriiriga ka jirta waddooyinka magaalada Muqdisho ayaa waxaa warbixin ka dhageystay Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag).

Guddigan oo isugu jira Hay’addaha Amniga, Maamulka gobolka Banaadir iyo Dowladda Federaalka ayaa soo bandhigay dhibaatooyinka ka dhasha ciriiriga gaadiidka ee waddooyinka Muqdisho, iyo sidii qiimeyn loogu sameyn lahaa waddooyinka xiran si dib loogu furo.

Shirkaan ayaa sidoo kale la isku raacay in culeyska xayiraadaha ka dhashay laga yareeyo shacabka.

Shirkan ayaa ka dambeeyay xili shacabka Muqdisho ay caqabad weyn ku qabaan dhagaxaanta ku xiran wadooyinka Caasimada Muqdisho.

WARARKII KALE

Maxay ka wadahadleen labada guddoon ee BFS?

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi...

Askartii Soomaaliyeed ee ku xirnaa Itoobiya oo si nabad ah ku gaaray Ceel-Barde

Askartii Soomaaliyeed ee ku xirnaa dalka Itoobiya ayaa maanta...

Puntland oo Gaalkacyo ka mamnuucday qaadashada hubka

Wareegtada ayaa lagu xusay in sharciga Nabadgelyada Guud ee...

RW Xamsa oo gaaray Jeddah iyo Sacuudiga oo garab istaag u muujiyay Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa...

Dagaalka Mooyaale oo maalintii afraad galay

Dagaal culus ayaa maalintii afraad oo xiriir ah ka...

 Deni oo maanta hortagaya Baarlamaanka Puntland iyo go’aanno siyaasadeed oo laga sugayo

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta la filayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles