Sunday, April 26, 2026

Uganda oo sheegtay in wadahadal uu u bilowday Mareykanka iyo Al-shabaab

Taliyaha Guud ee Ciidamada Difaaca Uganda (CDF), Janaraal Muhoozi Kainerugaba, ayaa hadal culus ku qoray baraha bulshada, isagoo si toos ah uga hadlay arrimo la xiriira ka bixitaanka ciidamada Uganda ee Soomaaliya, iyo xiriirka reer Galbeedka iyo Maraykanka la leeyihiin kooxo argagixiso ah.

Muhoozi ayaa yiri “Mareykanka iyo reer galbeedka guud ahaan waxay hadda aqoonsanayaan Al-Qaacida ee Suuriya. Xitaa walaalaheenna Israa’iil waxay u muuqdaan inay xaaladdan oggol yihiin? Waxa kale oo aan maqalnay in Mareykanku bilaabay wada-hadallo qarsoodi ah oo ay la yeelanayaan Al-Shabaab ee Soomaaliya. Waxaan ka codsaneynaa Taliyaha Sare ee Ciidamada Madaxweynaha Uganda inuu si dhab ah uga fiirsado in gebi ahaanba laga saaro ciidamadeenna Soomaaliya kaddib 18 sano oo howlgal ah.”

Hadalka Taliyaha ayaa imaanaya xilli ay jiraan warar is-daba joog ah oo sheegaya isbeddel ku yimid siyaasadda Mareykanka ee Bariga Dhexe iyo Geeska Afrika, gaar ahaan la xiriirta wada-xaajoodyo lala galayo kooxaha argagixisada sida Al-Shabaab.

Uganda ayaa ka mid ah dalalka ugu weyn ee ciidamo ay ka joogaan Soomaaliya,iyagoo qeyb ka ah howlgalka Midowga Afrika (ATMIS), waxaana ay door muhiim ah ka ciyaartay sugidda amniga caasimadda Muqdisho iyo gobollo kale.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 25 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

17-Dhallinyaro Soomaaliyeed oo ku geeriyootay Badda u dhaxeyso Aljeria iyo Spain

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle,...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay Dhiggiisa Boqortooyada Cumaan

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Madaxweynaha JFS oo ka qeyb galay xafladda caleema saarka Ugaas Cabdirisaaq Faracadde

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Janan oo fariin adag u diray dowladaha dariska ah

Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee Jubaland...

Xiisad ka taagan xabbad joojinta Israa’iil iyo Lubnaan

Maalmihii ugu dembeeyey tan iyo markii uu Donald Trump...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles