Monday, September 1, 2025

Uganda oo sheegtay in wadahadal uu u bilowday Mareykanka iyo Al-shabaab

Taliyaha Guud ee Ciidamada Difaaca Uganda (CDF), Janaraal Muhoozi Kainerugaba, ayaa hadal culus ku qoray baraha bulshada, isagoo si toos ah uga hadlay arrimo la xiriira ka bixitaanka ciidamada Uganda ee Soomaaliya, iyo xiriirka reer Galbeedka iyo Maraykanka la leeyihiin kooxo argagixiso ah.

Muhoozi ayaa yiri โ€œMareykanka iyo reer galbeedka guud ahaan waxay hadda aqoonsanayaan Al-Qaacida ee Suuriya. Xitaa walaalaheenna Israaโ€™iil waxay u muuqdaan inay xaaladdan oggol yihiin? Waxa kale oo aan maqalnay in Mareykanku bilaabay wada-hadallo qarsoodi ah oo ay la yeelanayaan Al-Shabaab ee Soomaaliya. Waxaan ka codsaneynaa Taliyaha Sare ee Ciidamada Madaxweynaha Uganda inuu si dhab ah uga fiirsado in gebi ahaanba laga saaro ciidamadeenna Soomaaliya kaddib 18 sano oo howlgal ah.โ€

Hadalka Taliyaha ayaa imaanaya xilli ay jiraan warar is-daba joog ah oo sheegaya isbeddel ku yimid siyaasadda Mareykanka ee Bariga Dhexe iyo Geeska Afrika, gaar ahaan la xiriirta wada-xaajoodyo lala galayo kooxaha argagixisada sida Al-Shabaab.

Uganda ayaa ka mid ah dalalka ugu weyn ee ciidamo ay ka joogaan Soomaaliya,iyagoo qeyb ka ah howlgalka Midowga Afrika (ATMIS), waxaana ay door muhiim ah ka ciyaartay sugidda amniga caasimadda Muqdisho iyo gobollo kale.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 31/08/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Guddoomiye Muungaab oo 48-saac u qabtay inay ku dhammayso shirkada dhisaysa wadada Soobe ee Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...

Maxkamadda Ciidamada oo Xukun Dil ah ku Riday Ex Dable NISA Maxamed Buulle Muumin

Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta...

Madasha Samatabixinta: โ€œDoorashada uu Xasan Sheekh ka wado Banaadir waa sharci darro halis lehโ€

Warsaxaafadeed ka soo baxay madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa waxaa...

DFS oo ku dhawaaqday in la dhameystiray dhismaha DG Waqooyi Bari

Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaarada arrimaha gudaha ee Xukuumadda...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles