Saturday, April 25, 2026

Abaanduulihii ururka 64-aad oo ku geeriyooday qarax miino oo ka dhacay Afgooye”

Wararka ka imaanaya degmada Afgooye ayaa sheegaya in qarax miino uu saaka ka dhacay xero ciidan oo ku taala degmadaasi, waxaana ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Allaha u naxariistee Dhame Maxamuud Saleebaan Salaad oo ahaa Abaanduulihii ururka 64aad, ayaa ka mid noqday dadka ku geeriyooday qaraxii saaka ka dhacay gudaha xerada guutada 7aad oo ku taala degmada Afgooye ku taala, sida ay goobjoogayaal u sheegeen Risaala.

Sidoo kale labo ka mid ah ilaaladiisa ayaa wax ku noqday, sida ay wararka sheegayaan.

Ilaa iyo hadda waxaan la ogeyn sababta keentay in qaraxa ka dhaco gudaha xerada iyo xogta ka dambeysay qaraxaasi, iyadoona warar kala duwan ay ka soo baxayaan geerida sarkaalkaasi.

Ciidamada ayaa baaritaano xoog leh wado, sidoo kale saraakiil ciidan ayaa tagay gudaha saldhiga.

Ma Jiro weli wax faahfaahin ah oo ka soo baxay maamulka degmada Afgooye iyo taliska Milateriga Soomaaliya.

Degmada Afgooye ayaa inta badan sidan oo kale waxaa ugu dhaco qarax, kaasi oo khasaare ka soo gaara dadka shacabka iyo ciidamada.

 

WARARKII KALE

17-Dhallinyaro Soomaaliyeed oo ku geeriyootay Badda u dhaxeyso Aljeria iyo Spain

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle,...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay Dhiggiisa Boqortooyada Cumaan

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Madaxweynaha JFS oo ka qeyb galay xafladda caleema saarka Ugaas Cabdirisaaq Faracadde

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Janan oo fariin adag u diray dowladaha dariska ah

Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee Jubaland...

Xiisad ka taagan xabbad joojinta Israa’iil iyo Lubnaan

Maalmihii ugu dembeeyey tan iyo markii uu Donald Trump...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles