Ismari waa ka taagan Dhameystirka maamul u sameynta SSC Khaatuma

Xildhibaannada Golaha Baarlamaanka ee SSC-Khaatumo ayaa xalay kulan ku yeeshay Magaalada Laascaanood, kaasoo looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee maamulka SSC-Khaatumo, gaar ahaan arrimaha ku saabsan dhameystirka maamulka iyo waqtiga doorashada.

Kulanka oo uu guddoominayay Guddoomiyaha Baarlamaanka,  Jaamac Yaasiin Warsame, ayaa lagu gaaray dhowr go’aan muhiim ah:

1. In doorashada maamulka SSC-Khaatumo ay ku dhacdo waqtigeedii, si loo ilaaliyo sharciyadda iyo kalsoonida shacabka.

2. In la taageero Shirka Dhameystirka Maamulka SSC-Khaatumo, kaas oo lagu dhisayo hay’adaha dawladnimo ee dhamaystiran, iyadoo beelaha dega Sool, Sanaag iyo Cayn ay si buuxda uga qeybgalayaan.

3. In golayaasha kala duwan ee SSC-Khaatumo ee waqtigoodu dhamaaday ay sii wataan shaqadooda, ilaa laga soo doorto xubno cusub oo beddela.

 

Si kastaba ha ahaatee, wararka aan helayno ayaa sheegaya in qaar ka mid ah xildhibaannadii kulanka ka qaybgalay ay kasoo baxeen fadhiga, iyaga oo muujiyey diidmo ku saabsan qaabka uu shirku u dhacay iyo go’aamada lasoo saaray.

Dhanka kale, kulamo siyaasadeed oo kale oo aad u xooggan ayaa weli ka socda magaalada Laascaanood. Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo, Mudane Cabdirisaaq Firdhiye, ayaa wada wadatashi ballaaran oo uu la leeyahay dhinacyada kale ee siyaasadda, kuwaas oo qaarkood kasoo horjeeda qaabka dhameystirka maamulka.

Waxaa sidoo kale socda dadaallo ay wado Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee SSC-Khaatumo, si xal waara loogu helo khilaafaadka siyaasadeed ee taagan, loogana gudbo marxaladda kala guurka ah ee maamulka SSC-Khaatumo.

Ismara waa xooggan ayaa ka taagan dhameystirka Maamul u sameynta SSC Khaatuma.

WARARKII KALE

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles