Saturday, April 25, 2026

Ismari waa ka taagan Dhameystirka maamul u sameynta SSC Khaatuma

Xildhibaannada Golaha Baarlamaanka ee SSC-Khaatumo ayaa xalay kulan ku yeeshay Magaalada Laascaanood, kaasoo looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee maamulka SSC-Khaatumo, gaar ahaan arrimaha ku saabsan dhameystirka maamulka iyo waqtiga doorashada.

Kulanka oo uu guddoominayay Guddoomiyaha Baarlamaanka,  Jaamac Yaasiin Warsame, ayaa lagu gaaray dhowr go’aan muhiim ah:

1. In doorashada maamulka SSC-Khaatumo ay ku dhacdo waqtigeedii, si loo ilaaliyo sharciyadda iyo kalsoonida shacabka.

2. In la taageero Shirka Dhameystirka Maamulka SSC-Khaatumo, kaas oo lagu dhisayo hay’adaha dawladnimo ee dhamaystiran, iyadoo beelaha dega Sool, Sanaag iyo Cayn ay si buuxda uga qeybgalayaan.

3. In golayaasha kala duwan ee SSC-Khaatumo ee waqtigoodu dhamaaday ay sii wataan shaqadooda, ilaa laga soo doorto xubno cusub oo beddela.

 

Si kastaba ha ahaatee, wararka aan helayno ayaa sheegaya in qaar ka mid ah xildhibaannadii kulanka ka qaybgalay ay kasoo baxeen fadhiga, iyaga oo muujiyey diidmo ku saabsan qaabka uu shirku u dhacay iyo go’aamada lasoo saaray.

Dhanka kale, kulamo siyaasadeed oo kale oo aad u xooggan ayaa weli ka socda magaalada Laascaanood. Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo, Mudane Cabdirisaaq Firdhiye, ayaa wada wadatashi ballaaran oo uu la leeyahay dhinacyada kale ee siyaasadda, kuwaas oo qaarkood kasoo horjeeda qaabka dhameystirka maamulka.

Waxaa sidoo kale socda dadaallo ay wado Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee SSC-Khaatumo, si xal waara loogu helo khilaafaadka siyaasadeed ee taagan, loogana gudbo marxaladda kala guurka ah ee maamulka SSC-Khaatumo.

Ismara waa xooggan ayaa ka taagan dhameystirka Maamul u sameynta SSC Khaatuma.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Wasiiradda arrimaha dibadda ee Iran iyo Pakistan oo wadahadal yeeshay

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran ayaa saraakiil sare oo...

Taliyaha ciidamada xoogga oo gaaray degmada Xudur

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa...

Burcad badeed Soomaali ah oo afduubtay Markab shidaal oo laga leeyahay Pakistan

Burcadbadeed Soomaali ah ayaa la sheegay inay afduubteen markab...

Trump oo sheegay in Hubka Nukliyeerka uusan u adeegsan doonin Iran

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in uusan hubka...

Xog dheeraad oo laga helay dhalinyaro Soomaali ah oo ku geeriyooday Algeria

Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxeysa ku dhowaad...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles