DFS oo ka hadashay dagaalkii ka dhacay Magaalada Dhahar ee G/Sanaag

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay inay ka xuntahay dhacdo ay ku tilmaamtay nasiib darro oo ka dhacday degmada Dhahar ee gobalka Sanaag.

Wasaaraddu waxay dhanka kale tacsi u dirtay dadka halkaas ku geeryooday iyadoo caafimaad u rajeysay kuwa ku dhaawacmay.

“Waxaan ugu baaqaynaa dhinacyada ku lugta leh rabshadaha in ay joojiyaan, sidoo kale bulshada deegaanka iyana waxaan ugu baaqaynaa daganaan iyo Xasilooni”, ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka dowladda

“Wasaaraddu, waxay si xushmad leh uga codsanaysaa Isimada Dhaqanka, Culimada iyo Waxgaradku in ay u istaagaan xakamaynta iyo soo afmcerista Xiisadda Dhahar lagana hortago dhacdooyinka nuucaan oo kale ah”, ayaa intaa lagu daray.

“Wasaaraddu waxay ugu baaqaysaa Madaxwaynaha Puntland in uu joojiyo falalka sii hurinaya colllaadda isla markaana uu dib u celiyo Ciidamada uu kasoo diray degmada Qardho kuwaas, oo loogu talo galay in ay Khawarijta ladagaalamaan balse nasiib darro loo weeciyay dano kale oo aan waxtar lahayn”, ayaa lagu yiri warqadda ay soo saartay dowladda

 

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles