Axmed Madoobe oo ka tacsiyeey geerida ku timid wasiir Beexaani

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa ka tacsiyeyay geerida ku timid Wasiir ku xigeenkii Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada ee Jubbaland, Marxuum Maxamuud Cabdinuur Beexaani, oo maanta ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Madaxweynuhu waxa uu tacsi u diray qoyskii, eheladii, bahda wasaaradda iyo guud ahaan shacabka Jubbaland, isagoo yiri”Waxaan uga tacsiyeynayaa qoyskiisa iyo guud ahaan shacabka reer Jubaland geerida naxdinta leh ee ku timid Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamuud Cabdinuur Beexaani. Marxuumku wuxuu ahaa masuul si mug leh ugu soo shaqeeyay dalkiisa, una adeegay si daacadnimo iyo xilkasnimo leh. Waxa uu door muuqda ka qaatay arrimaha deegaanka iyo la tacaalidda isbeddelka cimilada.”

Madaxweyne Axmed Madoobe waxa uu Alle uga baryay in uu marxuumka ku abaalmariyo naxariistiisa Janno, isaga oo yiri”Waxaan Ilaahay uga baryayaa inuu naxariistiisa Janno ka waraabiyo, kana yeelo kuwii Jannatul Firdowsa guryahooda ka dhigtay. Aamiin.”

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles