Xildhibaanada Mucaaradka ee BFS oo Madaxda DF ku eedeeyay hurinta colaada ka taagan Sanaag iyo Gedo

Xildhibaanno ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya kuna midoobay Madasha Samata-Bixinta Qaranka Soomaaliyeed ayaa si adag uga digay xaalado colaadeed oo ay sheegeen in Dowladda Federaalka Soomaaliya ka hurinayso Gobollada Sanaag iyo Gedo.

Qoraal war-saxaafadeed ah oo ay soo saareen  ku sheegeen in dowladda Federaalka ay mas’uul ka tahay kicinta colaadda maanta ka dhacday magaalada Dhahar ee gobolka Sanaag, taasoo ay ku eedeeyeen Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul Wasaare Xamse.

Waxaa kale oo ay sheegeen in gobolka Gedo si ula kac ah looga wado abaabul colaadeed, iyadoo la doonayo in lagu khalkhal geliyo dadka deegaanka oo markii horeba la daalaa-dhacayay dhibaatooyin nololeed.

Waxa ay sidoo kale xuseen in dowladda ay gabi ahaanba joojisay duulimaadyadii tegayay degmooyinka Gedo iyo Doolow, taasoo ay ku tilmaameen cadaadis siyaasadeed oo si toos ah u saameynaya nolosha shacabka.

Xildhibaanadan ayaa uga digay dowladda Federaalka in ay sii waddo talaabooyin noocan ah, iyagoo sheegay in ay u arkaan colaad hurin iyo halis weyn oo lagu wiiqayo deganaanshaha dalka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 23 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxaa ka soo baxay Wadahadallada u dhexeeyey Guddoomiye Jaamac iyo Xildhibaanno Mucaaradka

Waxaa soo gabagaboobay wadahadallo u dhexeeyey Guddoomiyaha Golaha Shacabka...

Sheekh Shariif oo Cambaareeyay Howlgalka Yaaqshiid“Boqolaal qoys ayaa la Barakiciyay”

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa...

Maxay ka wadahadleen Fiqi iyo Safiirka Boqortooyada Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta...

Aadan Madoobe oo weerarkii Baydhabo kadib kulan la qaatay saraakiisha ciidamada

Hoggaamiyaha Koofur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa...

Kheyre oo si u weeraray Xasan Sheekh Kadib dhacdadii Yaaqshiid

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles