Monday, September 1, 2025

Xildhibaanada Mucaaradka ee BFS oo Madaxda DF ku eedeeyay hurinta colaada ka taagan Sanaag iyo Gedo

Xildhibaanno ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya kuna midoobay Madasha Samata-Bixinta Qaranka Soomaaliyeed ayaa si adag uga digay xaalado colaadeed oo ay sheegeen in Dowladda Federaalka Soomaaliya ka hurinayso Gobollada Sanaag iyo Gedo.

Qoraal war-saxaafadeed ah oo ay soo saareenย  ku sheegeen in dowladda Federaalka ay masโ€™uul ka tahay kicinta colaadda maanta ka dhacday magaalada Dhahar ee gobolka Sanaag, taasoo ay ku eedeeyeen Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Raโ€™iisul Wasaare Xamse.

Waxaa kale oo ay sheegeen in gobolka Gedo si ula kac ah looga wado abaabul colaadeed, iyadoo la doonayo in lagu khalkhal geliyo dadka deegaanka oo markii horeba la daalaa-dhacayay dhibaatooyin nololeed.

Waxa ay sidoo kale xuseen in dowladda ay gabi ahaanba joojisay duulimaadyadii tegayay degmooyinka Gedo iyo Doolow, taasoo ay ku tilmaameen cadaadis siyaasadeed oo si toos ah u saameynaya nolosha shacabka.

Xildhibaanadan ayaa uga digay dowladda Federaalka in ay sii waddo talaabooyin noocan ah, iyagoo sheegay in ay u arkaan colaad hurin iyo halis weyn oo lagu wiiqayo deganaanshaha dalka.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 31/08/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Guddoomiye Muungaab oo 48-saac u qabtay inay ku dhammayso shirkada dhisaysa wadada Soobe ee Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...

Maxkamadda Ciidamada oo Xukun Dil ah ku Riday Ex Dable NISA Maxamed Buulle Muumin

Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta...

Madasha Samatabixinta: โ€œDoorashada uu Xasan Sheekh ka wado Banaadir waa sharci darro halis lehโ€

Warsaxaafadeed ka soo baxay madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa waxaa...

DFS oo ku dhawaaqday in la dhameystiray dhismaha DG Waqooyi Bari

Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaarada arrimaha gudaha ee Xukuumadda...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles