Ra’iisul Wasaare Xamsa oo xafiiskiisa ku qaabilay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hawlgallada Hey’adda (IOM)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hawlgallada Hey’adda (IOM) Marwo Ugochi Daniels, iyagoo ka wada hadlay arrimo muhiim ah oo ku saabsan xoojinta wada shaqeynta iyo dardargelinta barnaamijyada ay ka fuliyaan dalka, iyadoo la is waafajinayo shaqooyinka ay qabtaan iyo Qorshaha Isbeddelka Qaranka ee (NTP 2025-2029).

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa uga mahadceliyey Hey’adda (IOM) taageerada kala duwan ee ay siiso Soomaaliya, waxaana uu xusay mudnaanta ay leedahay inay sii xoojiyaan taageeradooda iyo fulinta mashaariic waxtar u leh dalka.

Dhankeeda, Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hawlgallada Hey’adda (IOM) Marwo Ugochi Daniels, ayaa xustay sida ay uga go’an tahay heyadda inay sii wadaan taageerada iyo hirgelinta mashaariicda ay ka wadaan Soomaaliya.

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles