Monday, April 27, 2026

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo xafiiskiisa ku qaabilay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hawlgallada Hey’adda (IOM)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hawlgallada Hey’adda (IOM) Marwo Ugochi Daniels, iyagoo ka wada hadlay arrimo muhiim ah oo ku saabsan xoojinta wada shaqeynta iyo dardargelinta barnaamijyada ay ka fuliyaan dalka, iyadoo la is waafajinayo shaqooyinka ay qabtaan iyo Qorshaha Isbeddelka Qaranka ee (NTP 2025-2029).

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa uga mahadceliyey Hey’adda (IOM) taageerada kala duwan ee ay siiso Soomaaliya, waxaana uu xusay mudnaanta ay leedahay inay sii xoojiyaan taageeradooda iyo fulinta mashaariic waxtar u leh dalka.

Dhankeeda, Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hawlgallada Hey’adda (IOM) Marwo Ugochi Daniels, ayaa xustay sida ay uga go’an tahay heyadda inay sii wadaan taageerada iyo hirgelinta mashaariicda ay ka wadaan Soomaaliya.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 27 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Wafdi Sare oo ka socda Qaramada Midoobay oo Maanta soo gaaray Muqdisho

Magaalada Muqdisho ayaa maanta lagu soo dhoweeyay wafdi sare...

Somaliland oo qabatay hub culus, kana digtay faragelin shisheeye

Maamulka Somaliland ayaa sheegay inay gacanta ku dhigteen hub...

Burcad-badeed Soomaali ah oo afduubtay markab calanka Panama

Koox burcad-badeed ah ayaa afduubtay markab nooca xamuulka ah...

Isra’iil oo weerar ka geystay Lubnaan

Wasaaradda caafimaadka ee Lubnaan ayaa sheegtay in duqeymo ay...

Wasiirka Arrimaha Dibada Iran oo la kulmaya Madaxweynaha Ruushka

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Cabbaas Caraqji, ayaa booqasho...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles