Wednesday, September 3, 2025

Guddoomiye Mungaab oo lacag ugu deeqay dadka ay saameynta ku yeesheen abaaraha ka jira Gobolka Awdal

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa deeq lacageed oo dhan laba boqol kun oo doollar ($200,000) ku wareejiyay Hay’adda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee (SODMA) si loogu taaageero gurmadka abaaraha ka jira Gobolka Awdal ee Waqooyiga Galbeed Soomaaliya.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in deeqdaan ay bar-bilaw u tahay gurmadka abaaraha gobolka Awdal, isla markaana Maamulka Gobolka Banaadir uu diyaar u yahay garab-istaagga walaalahooda. Waxa uu xusay in lacagtaan ay qeyb ka tahay canshuurta laga qaado bulshada Soomaaliyeed ee ku nool caasimadda oo dadka Reer Awdal ay ka mid yihiin maadaama ay Caasimaddu tahay xaruntii ummadda.

Guddoomiye Muungaab ayaa ugu baaqay hey’adaha samafalka iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed in loo gurmado walaalaha ay abaaruhu saameeyeen ee jooga gobolka Awdal iyo deegaannada kale ee dalka.

Guddoomiyaha Hay’adda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SODMA) Md. Maxamuud Macalin ayaa ugu mahadceliyay Guddoomiye Muungaab talaabada uu qaaday ee ku aadan in si degdeg ah looga jawaabo dhibaatada abaareed ee ku dhufatay Gobolka Awdal, waxaana uu sheegay in deeqda lacageed ee lagu wareejiyay ay si deg deg ah u gaarsiin doonaan dadkii loogu talagalay.

Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud iyo Guryeynta XFS, Dr. Cilmi Maxamuud Nuur, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga XFS, Md. Maxamed Cali Xagaa iyo Xildhibaan Caasho Koos oo kasoo jeeda Gobolka Awdal ayaa iyaguna bogaadiyay deeqdaan uu Maamulka Gobolka Banaadir ugu yaboohay wax-ka-qabashada abaaraha ku dhuftay Gobolka Awdal.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 02/09/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

370 qof oo ku geeriyooday ciid ka soo duntay buuraha Marra ee galbeed Sudan

Ku xigeenka isu-duwaha arrimaha bani’aadannimada Qaramada Midoobay u qaabilsan...

Booliska iyo Xeer-Ilaalinta oo gubay Daroogadii ugu halista badneed iyo digniin loo diray Ganacsatada

Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed iyo Xeer-ilaalinta Qaranka ayaa maanta si...

Shacabka Mandheera oo Dalbaday in Magaalada laga Saaro Ciidamada Jubbaland

Shacabka magaalada Mandheera ee gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa...

Koox hubeysan oo xalay Nabadoon ku dishay Beledxaawo

Nabadoon Aadan Maxamuud Buurdhuubo ayaa xalay lagu dilay degmada...

Puntland oo sheegtay in ay godadka ku burburisay xubno ka tirsanaa Daacish

Ciidamada difaaca Puntland ayaa Hawlgal culus ka fuliyay togga...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles