Wednesday, June 24, 2026

Guddoomiye Mungaab oo lacag ugu deeqay dadka ay saameynta ku yeesheen abaaraha ka jira Gobolka Awdal

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa deeq lacageed oo dhan laba boqol kun oo doollar ($200,000) ku wareejiyay Hay’adda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee (SODMA) si loogu taaageero gurmadka abaaraha ka jira Gobolka Awdal ee Waqooyiga Galbeed Soomaaliya.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in deeqdaan ay bar-bilaw u tahay gurmadka abaaraha gobolka Awdal, isla markaana Maamulka Gobolka Banaadir uu diyaar u yahay garab-istaagga walaalahooda. Waxa uu xusay in lacagtaan ay qeyb ka tahay canshuurta laga qaado bulshada Soomaaliyeed ee ku nool caasimadda oo dadka Reer Awdal ay ka mid yihiin maadaama ay Caasimaddu tahay xaruntii ummadda.

Guddoomiye Muungaab ayaa ugu baaqay hey’adaha samafalka iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed in loo gurmado walaalaha ay abaaruhu saameeyeen ee jooga gobolka Awdal iyo deegaannada kale ee dalka.

Guddoomiyaha Hay’adda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SODMA) Md. Maxamuud Macalin ayaa ugu mahadceliyay Guddoomiye Muungaab talaabada uu qaaday ee ku aadan in si degdeg ah looga jawaabo dhibaatada abaareed ee ku dhufatay Gobolka Awdal, waxaana uu sheegay in deeqda lacageed ee lagu wareejiyay ay si deg deg ah u gaarsiin doonaan dadkii loogu talagalay.

Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud iyo Guryeynta XFS, Dr. Cilmi Maxamuud Nuur, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga XFS, Md. Maxamed Cali Xagaa iyo Xildhibaan Caasho Koos oo kasoo jeeda Gobolka Awdal ayaa iyaguna bogaadiyay deeqdaan uu Maamulka Gobolka Banaadir ugu yaboohay wax-ka-qabashada abaaraha ku dhuftay Gobolka Awdal.

WARARKII KALE

Puntland oo Mamnuucday Hubka iyo Ciidamada Aan Ka tirsaneyn Nidaamka Maamulka

Maamulka Puntland ayaa ka digay waxa uu ku tilmaamay...

RW Xamsa oo gaaray Dhuusamareeb

Ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb...

DFS oo waddo qorshaha doorashooyinka Galmudug iyo Xamse oo ku Wajahan Dhuusamareeb

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay dardar gelinayso...

Bariga Liibiya oo Xayiraad Kusoo Rogay Muwaadiniinta Soomaaliya iyo Saddex Dal oo Kale

Dowladda Bariga Liibiya ayaa ku dhawaaqday inay mamnuucday gelitaanka...

Ahlu Sunna Waljamaaca oo laga saaray Liiska Kooxaha lagu eedeeyo Askaraynta Carruurta

Qaramada Midoobay ayaa si rasmi ah ururkii Ahlu Sunna...

Kim Jong Un, ayaa sheegay in dalkiisu uu ciidanka badda ku qalabaynayo hubka niyukliyarka

Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi, Kim Jong Un, ayaa sheegay in...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles