Doon ay saarnaayeen Tahriibayaal oo ku degtay xeebaha Yemen

In ka badan 60 qof oo tahriibayaal ah ayaa ku dhintay ka dib markii doon ay la socdeen ku dhawaad 150 qof oo ku degtay xeebaha dalka Yemen oo cimiladu xumayd Axaddii shalay ahayd.

Doonta ayaa ku degtay gobolka Abyan ee koonfurta Yemen, waxaana la helay meydadka 68 qof, sida uu BBC u sheegay madaxa Hay’adda Socdaalka Caalamiga ee ee IOM.

Wuxuu sheegay in 12 qof la soo badbaadiyay, tobanaan kalena wali la la’yahay.

Inta badan dadka la laayay ayaa la rumeysan yahay inay u dhasheen dalka Itoobiya, ayay tiri IOM oo dhacdadan ku tilmaantay mid laga xumaado.

Yemen ayaa weli marin weyn u ah muhaajiriinta ka imaanaya Geeska Afrika ee u socdaalaya dalalka Khaliijka Carabta si ay shaqo u raadsadaan, iyadoo hay’adda IOM ay ku qiyaastay boqollaal qof oo ku dhintay ama lagu la’yahay doon ku degtay bilihii la soo dhaafay.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 22 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxay ka wadahadleen labada guddoon ee BFS?

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi...

Askartii Soomaaliyeed ee ku xirnaa Itoobiya oo si nabad ah ku gaaray Ceel-Barde

Askartii Soomaaliyeed ee ku xirnaa dalka Itoobiya ayaa maanta...

Puntland oo Gaalkacyo ka mamnuucday qaadashada hubka

Wareegtada ayaa lagu xusay in sharciga Nabadgelyada Guud ee...

RW Xamsa oo gaaray Jeddah iyo Sacuudiga oo garab istaag u muujiyay Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa...

Dagaalka Mooyaale oo maalintii afraad galay

Dagaal culus ayaa maalintii afraad oo xiriir ah ka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles