Thursday, April 30, 2026

Dil toogasho oo lagu fuliyay rag ka tirsanaa Al-shabaab oo ku eedeysan dilal qorsheysan

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah u fulisay xukun dil toogasho ah oo lagu riday saddex eedeysane oo hore loogu helay dambiyo culus oo la xiriira dilal qorsheysan iyo ka mid ahaanshaha kooxda Khawaarijta.

Ragga la toogtay ayaa kala ah:

Qudaama Xamze Yuusuf Maxamed (Yaxye)

Cabdi Xassan Rooble (Afeey)

Ibraahim Cumar Shamcuun (Hubka)

Saddexdan eedeysane ayaa lagu helay dambiyo ay ka fuliyeen gudaha Caasimadda Muqdisho iyo gobolka Shabeelaha Hoose, kuwaas oo ay ka mid yihiin dilal ay u geysteen dad shacab iyo masuuliyiin ciidan. Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa horey ugu ridday xukun dil ah kadib markii ay cadaato in ay si toos ah uga tirsan yihiin Khawaarijta, ayna fuliyeen weeraro lagu hoobtay.

Goobta lagu fuliyay xukunka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa saraakiil ciidan iyo ehelada qaar ka mid ah dadkii ay dhibaatada gaarsiiyeen.

 

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 29 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

DFS oo sheegtay in horjooge sare iyo xubno kale lagu dilay G/Sh/Hoose

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in dagaal iyo duqeymo ka...

Janan oo abaabul ciidan ka wada Beledxaawo

Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee Jubaland,...

Wafdi ka socda Q.M oo gaaray Baydhabo

Hogaamiyaha ku-meel gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed...

Mucaaradka iyo Xubnaha Beesha Caalamka oo ka sharaya arrimaha doorashooyinka

Kulanka muhiimka ah ee u dhexeeya Golaha Mustaqbalka Soomaaliya...

Pakistan oo cadaadis diblumaasiyadeed saaraysa sii deynta badmaaxayaal lagu afduubtay xeebaha Soomaaliya

Dowladda Pakistan ayaa xoojisay dadaallada diblumaasiyadeed iyo kuwa badeed...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles