MW Xasan Sheekh iyo Mucaaradka oo markii afaraad maanta kulan ku yeelanaya Muqdisho

Wareegii Afraad ee wadahadallada Madashada Mucaaradka ee uu hoggaamiyo Sheekh Shariif iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta lagu wadaa inuu ka dhaco xarunta Madaxtooyada Villa Somalia.

Kulankan ayaa imaanaya kadib markii ay wadahadallada hakad galeen muddo 20 maalmood oo ka danbeysay codsi ka yimid Madaxweyne Xasan Sheekh, kaasoo ku saabsanaa inuu la-tashiyo la yeelanayo madaxda dowladda iyo saaxiibadiisa siyaasadda si xal looga gaaro qodobadda la isku heysto ee Dastuurka.

Madashada mucaaradka oo ku sigtay inay kala jabaan ayaa ogolaaday inay ka Warr sugaan Madaxweynaha ilaa 10-ka Ogost oo maanta ku beegan, waxayna rajo yar ka qabaan horumar laga gaaro wadahadalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa rajo ku abuuray Madasha Mucaaradka, taasoo ahay inuu diyaar u yahay, ka noqoshada isbedealka lagu sameeyay Dastuurka KMG ah, gaar ahaan qodobka afraad ee muranku ka taagan yahay.

Qodobkan ayaa ku saabsan; Cidda dooraneysa Madaxweynaha, qaabka Doorashada, magacaabidda iyo eryida Ra’iisal wasaaraha iyo muddo xileedka dowladda.

Mucaaradka ayaa kaliya ku qancaya inuu madaxweynuhu ka laabto wax ka bedelkii lagu sameeyay Baarlamaanka, balse madaxweyne Xasan Sheekh ayaa u muuqda inuusan ka tanaasuli doonin qodobadan, balse uu waqti kale oo dheeraad ah codsan doono.

Xubno ka tirsan Madasha Mucaaradka ayaa noo sheegay in kulanka maanta ay kaliya ka sugayaan madaxweynaha jawaab ku saabsan inuu si cad u aqbalo ka noqoshada wax ka bedelkii dastuurka, haddii ay taasi dhici weydana ku dhawaaqi doonaan go’aankooda.

Kulanka manata ayaa laga cabsi qabaa inuu noqdo kii ugu danbeeyay ee Laba dhinac iyo bilowga dagaal siyaasadeed oo dhex maray Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Mucaaradka u badan Beeshiisa oo taageero ka heli doona madaxda Puntland iyo Jubbaland.

Intii ay socdeen wadahallada Madaxweynaha iyo Mucaaradka waxaa dowladda Federaalka ku biiray xubno ka mid ahaa Mucaaradka, iyadoo dowladda Federaalka ay dardar gelisay diiwaan gelinta doorashada halka dhinac ah ee Qof iyo Codka ah.

Sidoo kale waxaa gabagabo maraya dhismaha maamulka cusub ee Waqooyi Bari ee Soomaaliya, halka dowladda Federaalka ay Gobolka Gedo ka wado dagaal milateri iyo mid siyaasadeed oo ay ku dooneyso inay ku wiiqo Axmed Madoobe.

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles