Gen Odawaa”Qof kasta oo qarankiisa khiyaaneeya, cadaaladda ayaa la hor keeni doonaa”

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Gen. Odawaa Yuusuf Raagge, ayaa si adag uga hadlay ciqaabta ay mudan yihiin askar ama saraakiil ku kaca khiyaano qaran ama falal lid ku ah sharciga iyo sharafta ciidanka.

Hadalka Taliyaha ayaa yimid kaddib markii maanta Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ay xukun dil toogasho ah ku fulisay labo askari oo ka tirsanaa ciidanka dowladda Soomaaliya, kuwaas oo lagu helay dambiga ah inay dileen Abaanduulihii Ururka 83-aad ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Ex-Dhamme Ceydiid Maxamed Cali. Dilka toogashada ayaa ka dhacay fagaaraha deegaanka Sabiid iyo Caanoole ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Gen. Odawaa ayaa ku adkeeyay in aanay jiri doonin cid ka sarreysa sharciga, darajo ama xil uu doono ha lahaadee, isla markaana qof kasta oo ku kaca khiyaano qaran ama dil sharci-darro ah lagu horgeyn doono fagaaraha cadaaladda.

Taliyaha CXD ayaa xusay in ciidanku uu ku dhisan yahay nidaam, kala dambeyn iyo ilaalinta sharciyada dalka, isagoo shacabka ugu baaqay inay taageeraan ciidamada geesiyaasha ah ee naftooda u hura difaaca qaranka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 23 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxaa ka soo baxay Wadahadallada u dhexeeyey Guddoomiye Jaamac iyo Xildhibaanno Mucaaradka

Waxaa soo gabagaboobay wadahadallo u dhexeeyey Guddoomiyaha Golaha Shacabka...

Sheekh Shariif oo Cambaareeyay Howlgalka Yaaqshiid“Boqolaal qoys ayaa la Barakiciyay”

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa...

Maxay ka wadahadleen Fiqi iyo Safiirka Boqortooyada Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta...

Aadan Madoobe oo weerarkii Baydhabo kadib kulan la qaatay saraakiisha ciidamada

Hoggaamiyaha Koofur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa...

Kheyre oo si u weeraray Xasan Sheekh Kadib dhacdadii Yaaqshiid

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles