Thursday, March 5, 2026

Ciidamo gadoodsan oo xirtay laamiga Kalabayr ee Boosaaso

Cutubyo ka tirsan ciidanka Daraawiishta Puntland ayaa saaka laamiga dheer ee deegaanka Kalabayr ee gobolka Bari xiray, iyaga oo ka gadoodsan mushaar la’aan muddo dheer heysatay.

Ciidanka ayaa halkaasi ku joojiyay gaadiid badan oo xamuul ah oo kasoo dhaqaaqay dekedda magaalada Boosaaso kuna sii jeeday gobollada kale.

Wararka ayaa sheegaya in ciidanka gadoodsan ay wateen gaadiid dagaal isla markaana ay kasoo degeen buuraha Calmiskaad halkaas oo ay ku sugnaayeen.

Waxay xukuumadda Puntland si cad ugu dalbanayaan in degdeg loogu bixiyo xuquuqda iyo mushaaraadkooda, iyagoo ku goodiyay in aysan furi doonin jidka ilaa inta cabashadooda laga xalinaayo.

Saraakiisha hoggaaminaysa ciidanka ayaa sheegay in ay marar badan u gudbiyeen cabashooyin iyo dalab rasmi ah xukuumadda madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni, balse aysan wax jawaab ah ka helin.

Sida ay sheegeen, tani ayaa sababtay in ay qaadaan tallaabadan culus ee ah xiritaanka waddada muhiimka ah ee isku xirta Boosaaso iyo gobollada kale ee Puntland.

Xukuumadda Puntland weli kama aysan hadlin gadoodka ciidamada, balse xaaladda ayaa abuurtay hakad weyn oo ku yimid isku socodka gaadiidka iyo dhaqaalaha gobolka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 04 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Baarlamaanka Soomaaliya oo meelmariyey wax-ka-beddelka Dastuurka

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u meelmariyey...

Puntland oo DFS ku eedeysay weerar iyo afduub ay u geysteen xildhibaanada

Puntland ayaa sheegtay in dowladda Federaalka Soomaaliya weerar ku...

Wasiiro ka tirsan DFS oo iscasilay, maxay tahay sababta?

Wasiiru-dowlihii shaqada & arrimaha bulshada xildhibaan Caynaanshe Yuusuf Xuseen...

Booliska Soomaaliya oo xabsiga dhigay lataliyaha arrimaha bulshada ee Deni

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay inay xabsiga dhigeen...

Sacudi Carabiya oo qabatay laba gantaal oo nooca cruise-ka ah

Wasaaradda Gaashaandhigga Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay inay qabatay laba...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles