Madaxweynaha Falastiiniyiinta oo laga hor istaagay ka qeybgalka Kalfadhiga Guud ee Qaramada Midoobay

Madaxweynaha Falastiiniyiinta, Maxamuud Cabbaas, ayaa laga hor istaagay inuu ka qeybgalo kalfadhiga guud ee Qaramada Midoobay ee bisha soo socota ka dhacaya New York, kadib markii isaga iyo 80 mas’uul Falastiini ah lagala laabtay fiisayaashii ay ku tegi lahaayeen, sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Marco Rubio, ayaa ku eedeeyay mas’uuliyiintaas inay carqaladeeyeen dadaallada nabadda isla markaana ay doonayaan “in si kali-talisnimo ah loo aqoonsado dowlad Falastiini ah oo aan la xaqiijin karin.”

Go’aankan oo ay soo dhoweysay Israa’iil ayaa ah mid aan caadi ahayn, maadaama Mareykanka laga filaayay inuu fududeeyo socdaalka mas’uuliyiinta dal kasta oo doonaya inuu booqdo xarunta Qaramada Midoobay.

Xayiraaddan ayaa timid iyadoo Faransiisku hogaaminayo dadaallo caalami ah oo lagu doonayo in lagu aqoonsado dowlad Falastiin leedahay inta lagu guda jiro kalfadhiga dhacaya, tallaabadaan oo si adag uu uga soo horjeeddo maamulka Donald Trump.

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles