Sunday, August 16, 2026

Booliska Mudug oo gacanta ku soo dhigay nin xaaskiisa u dilay muran dhex maray

Ciidamada Booliiska degmada Goldogob ee gobolka Mudug ee Puntland ayaa gacanta kusoo dhigay Faarax Xasan Aadan, oo lagu eedeeyay inuu dilay xaaskiisa, Samsam Maxamed Xaashi, kadib muran qoys oo dhex maray.

Taliska Booliiska gobolka Mudug ayaa sheegay in falka dilka ahi uu ka dhacay gudaha magaalada Goldogob, balse ciidamada booliiska ay si dhaqso ah uga jawaabeen dhacdada, taas oo horseeday in lagu guuleysto qabashada eedeysanaha.

Ninka la qabtay ayaa hadda ku xiran saldhigga booliiska degmada Goldogob, waxaana la sheegay in dhawaan la horgeyn doono maxkamadda awoodda u leh si sharciga loola tiigsado.

“Ciidanka Booliska gobolka Mudug gaar ahaan saldhigga degmada Goldogob ayaa gacanta kusoo dhigay eedeysane Faarax Xasan Aadan oo ku eedeysan dilka marxuumad Samsam Maxamed Xaashi oo ahayd xaaskiisa. Waxaa la horgeyn doonaa maxkamadda awoodda u leh,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay taliska.

Samsam Maxamed Xaashi oo ahayd hooyo todobo carruur ah dhashay, ayaa la xaqiijiyay in ninkeeda uu toogasho ku dilay, arrintaas oo naxdin iyo murugo ku reebtay bulshada deegaanka.

Dhacdadan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo gobolka Mudug maalmihii u dambeeyay ay kusoo bateen dilalka iyo dagaal beeleedyada, taas oo walaac xooggan ku abuurtay shacabka iyo maamulka gobolka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 15 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee cusub oo maanta ku guddoomiyay shirka Golaha Shacabka

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa yeeshay kalfadhiga...

Xamsa oo taleefoon kula hadlay ardayda kaalmaha hore ka galay Imtixaanka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa dhambaal...

DF oo shaacisay natiijada imtixaanka fasalka 12-aad

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Jamhuuriyadda...

Koox TikTok u adeegsanaysay iibinta khamriga oo lagu qabtay Gobolka Bari

Taliska Qeybta Booliska Gobolka Bari ee Puntland ayaa shaaciyay...

Uganda oo sheegtay in Ciidamadeedu sii Joogayaan Soomaaliya

Wasiirka Difaaca iyo Arrimaha Ciidamada Uganda, Kiryowa Kiwanuka, ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles