Guddoomiyaha gobolka Utah, Spencer Cox, ayaa u sheegay warbaahinta Mareykanka in ninka looga shakisan yahay dilka Charlie Kirk “uusan wax wada shaqeyn ah la sameynayn” mas’uuliyiinta, isla markaana uusan qiran inuu isagu geystay toogashada.
Eedeysane Tyler Robinson, oo 22 jir ah, ayaa la qabtay 33 saacadood ka dib markii Kirk, oo ahaa dhaqdhaqaaqe garab midig ah oo 31 jir ahaa, lagu toogtay laguna dilay magaalada Orem Arbacadii.
Cox, oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga (Republican), ayaa u sheegay ABC News in dadka u dhow Mr. Robinson ay gacan ka geysanayaan baaritaanka.
Cox wuxuu ka soo muuqday warbaahino kala duwan oo Mareykan ah Axadii, wuxuuna sidoo kale muujiyay welwelkiisa ku saabsan baraha bulshada kadib dhimashada Kirk.
Guddoomiyaha waxaa sidoo kale la weydiiyay warbixin ay qortay New York Times oo sheegtay in Mr. Robinson uu la hadlay dad kale toogashada kadib isaga oo isticmaalaya barta fariimaha ee Discord, iyadoo la sheegay inuu ku kaftamayay inuu isagu ahaa ninkii toogtay.
Cox ayaa u sheegay ABC News: “Waxaan xaqiijin karnaa in wada hadalladaas ay socdeen, mana aysan aaminsaneyn inuu isaga ahaa.”
“Waxay ahayd kaftan, ilaa uu isagu ka qirto inuu isaga ahaa.” Mr. Robinson ayaa la xiray Khamiistii ka dib markii uu isku dhiibay booliska.
Xigasho:-BBC