Tuesday, August 18, 2026

Shirweynaha Hoggaamiyeyaasha Islaamka iyo Carabta oo maanta ka furmaya Qadar iyo Goโ€™aan culus oo laga sugayo

Magaalada Dooxa ee caasimadda dalka Qadar ayaa maanta si rasmi ah uga furmay shirweynaha hoggaamiyeyaasha wadamada Islaamka iyo Carabta, kaasi oo si gaar ah diiradda loogu saarayo duqeymaha cirka ee Israaโ€™iil ka geysatay gudaha Qadar iyo cawaaqib xumada ka dhalan karta weerarkaasi.

Shirkan oo indhaha caalamka oo dhan kusii jeedaan, ayaa lagu wadaa in dalalka Islaamka iyo Carabta ay si buuxda u muujiyaan mowqifkooda ku aaddan weerarrada Israaโ€™iil iyo in la qaato goโ€™aan mideysan oo jawaab adag ah.

Dhanka kale, Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xalay gaaray magaalada Dooxa, isagoo halkaas kaga qaybgalaya shirweynaha. Inta uu socdo shirka, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale kulamo-doceedyo la yeelan doona qaar ka mid ah madaxda dalalka ka qaybgalaya, si ay uga wada hadlaan xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo iskaashiga dhinacyada siyaasadda, amniga iyo dhaqaalaha.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegtay in ka qaybgalka Madaxweyne Xasan Sheekh uu caddeynayo sida Soomaaliya uga goโ€™an tahay in ay door muuqda ku yeelato arrimaha Islaamka iyo kuwa Carabta, gaar ahaan xoojinta midnimada iyo wadajirka.

Shirka maanta furmay ayaa waxaa ka horeeyay kulan ay yeesheen wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka Islaamka iyo Jaamacadda Carabta, kaas oo lagu falanqeeyay weerarkii Israaโ€™iil ay ka geysatay magaalada Dooxa iyo xaaladda guud ee dalalka Carabta, oo muddo dheer aan tallaabo mideysan ka qaadin xasuuqa ka socda Qasa.

Waxaa hadda si weyn loo sugayaa goโ€™aanka kama dambaysta ah ee hoggaamiyeyaasha Carabta iyo Islaamka ay kasoo saari doonaan duqeyntii Israaโ€™iil ku qaaday gudaha dalka Qatar, gaar ahaan xubnihii Ururka Xamaas ee halkaasi ku sugnaa.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 17 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

MW Xasan Sheekh oo maanta gaaray deegaanka Gelinsoor ee Gobolka Galgaduud

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ku guda jira...

DF oo shaacisay khasaaraha ka dhashay dagaalkii Baydhabo

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegtay in abaare 5:00 subaxnimo...

KGS oo ku dhawaaqday in gebi ahaanba la soo Afjaray Weerarkii Baydhabo

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in gebi ahaanba la...

Wasiirka Xasan Eeley oo khawaarij ku tilmaamay Ciidanka Lafta gareen ee weeraray Baydhabo

Wasiirka Xannaanada Xoolaha Soomaaliya, Xasan Xuseen Maxamed (Eeley), ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles