Tuesday, April 21, 2026

Boliiska oo digniin adag kasoo saaray sumcad-dilka iyo aflagaado loo geysto madaxda qaranka

Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa digniin adag kasoo saaray sumcad-dil iyo aflagaado loo geysto madaxda qaranka, iyo sidoo kale ku xadgudubka diinteenna suuban, kadib markii gacanta lagu soo dhigay dhallinyaro muddooyinkii dambe baraha bulshada ku faafinayay muuqaallo iyo qoraallo liiddi ku ah sharafta qaranka.

Afhayeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed gashaanle Cabdi Fitaax Aadan Xasan, oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in sharciga la horgeyn doono qof kasta oo ku kaca falalka sumcad-xumeynta iyo aflagaadeynta madaxda qaranka, iyo kuwa ku xadgudba diinta iyo dhaqanka wanaagsan ee Soomaaliyeed.

Afhayeenka ayaa yiri“Cid kasta oo isticmaasha baraha bulshada waxaa la farayaa in ay ka feejignaadaan waxyaabaha xadgudubka ku ah diinteenna suuban iyo dhaqanka Soomaaliyeed. Qof kasta oo maanta kadib lagu arko falalkaas, sharciga ayaa lagu dabaqi doonaa.”

Sidoo kale, Afhayeenka ayaa u mahadceliyay Taliska Guud ee Booliiska Soomaaliyeed, isagoo sheegay in ay gacanta kusoo dhigeen dad lagu eedeeyay aflagaado madaxda qaranka iyo anshax xumo, kuwaas oo hadda xiran isla markaana la horgeyn doono hay’adaha cadaaladda.

Xeer Ilaalinta Guud ee Qaranka ayaa horey uga digtay dadka ku xadgudba anshaxa iyo sharciga, iyagoo adeegsanaya baraha bulshada, iyadoo lagu wargeliyay in tallaabo sharci ah laga qaadi doono cid kasta oo ku kacda falalkaas.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 20 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Ciidamo taabacsan Laftagareen oo diiday doorasho ka dhacda Baydhabo

Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in...

Mucaaradka oo ku dhawaaqay Badbaado Qaran oo ka dhan ah MW Xasan Sheekh

Siyaasiinta mucaaradka Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan xubnaha saami...

15 Wasiir oo Wajahaya Doorasho adag Kadib Go’aan Cusub oo ka soo baxay MW Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la sheegay inuu...

Mucaaradka iyo odayaasha Dhaqanka Hawiye oo maanta yeelanaya shir ka dhan ah MW Xasan Sheekh

Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Muqdisho uu ka...

Itoobiya oo Xirtay 138 Qof oo lagu eedeeyay Argagixiso iyo Carqaladeyn Doorashooyinka

Hay’adda Sirdoonka iyo Ammaanka Qaranka ee Itoobiya ayaa shaacisay...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles