Wafdi hor dhac u ah MW Xasan Sheekh oo ku wajahan Kismaayo iyo DFS oo go’aano ka laabanaysa

Waxaa la filayaa in maanta wafdi horudhac u ah Madaxweynaha dowladda  Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ay gaaraan magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Wafdigan oo ka kooban saraakiil amni iyo xubno ka tirsan Xafiiska Madaxweynaha, ayaa u gogol xaari doona soo dhoweynta Madaxweynaha iyo kulamo heer sare ah oo lagu wado in halkaasi ka dhacaan.

Socdaalka Madaxweynaha ayaa qayb ka ah dadaallada lagu doonayo in lagu xalliyo khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda federaalka iyo maamul goboleedka Jubbaland, gaar ahaan arrimaha la xiriira doorashooyinka iyo dib u eegista dastuurka.

Wararka ayaa sheegaya in labada dhinac Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ay kulankooda ku soo qaadi doonaan arrimo siyaasadeed oo muddooyinkii dambe xiisad ka dhalisay xiriirka labada dhinac.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in  dowladda federaalka ay qorsheyneyso in ay dib uga laabato qaar ka mid ah go’aamadii hore ee ay ka qaadatay Jubbaland, si loo abuuro jawi wadatashi iyo xasilooni siyaasadeed.

Kulankan la filayo in uu dhaco maalmaha soo socda ayaa si weyn looga dhursugayaa, maadaama uu noqon karo mid furaha u ah dib u heshiisiinta iyo dib u soo celinta wadashaqeynta dowladda iyo Jubbaland.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles