Shirkii Carta oo la xusayo 25 sano kadib, balse Soomaaliya weli khilaaf ku jirta

Waxaa magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti ku sii qul qulaya madaxda siyaasadda, dhaqanka, bulshada rayidka iyo culimada Soomaaliyeed, halka kuwa kale la filayo inay maanta ku biiraan.

Socdaalkaan ayaa la xiriira xuska sanad-guuradii 25-aad ee ka soo wareegtay shirkii dib-u-heshiisiinta Soomaaliyeed ee lagu qabtay magaalada Carta sanadkii 2000, shirkii aas-aaska u noqday dowladnimada federaalka ee hadda jirta.

Shirka Carta oo ahaa mid rajo iyo farxad lagu xasuusto, ayaa dhidibada u taagay dowladdii kumeel gaarka ahayd ee Soomaaliya kadib burburkii 1991. Hase yeeshee, 25 sano kadib, dalka wali wuu la daalaa dhacayaa khilaafaad siyaasadeed, mid qabaa’il, iyo dagaallo aan dhammaan.

Xuskan sanad-guurada ah ayaa imaanaya xilli ay Soomaalidu mar kale isku hayso hannaanka siyaasadda, awood qeybsiga iyo hoggaaminta qaranka, halka gobollada qaarkood ay ka socdaan dagaallo beeleed iyo dilal aano qabiil ah.

Inkasta oo la qabtay tobaneeyo shirar dib u heshiisiin ah gudaha iyo dibadda, haddana waxaa muuqata in aan weli la gaarin midnimo dhab ah oo siyaasadeed iyo bulsho. Caqabadaha ugu waaweyn ee taagan waxaa ka mid ah.

Habka awood qeybsiga ee ku dhisan qabiilka ayaa noqday tiirka ugu adag ee dib u heshiisiinta caqabad ku ah. Waxaa uu dhaliyay kalsooni darro iyo tartan beeleed halkii uu xasilooni keeni lahaa

Tan iyo Carta, waxaa jiray is qabqabsi joogto ah oo u dhexeeyay madaxda dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada. Dooda ku saabsan awoodda, khayraadka iyo saameynta siyaasadeed ayaa noqotay mid soo noqnoqota.

Dalal badan oo deris iyo kuwo kale ah ayaa door muuqda ku leh arrimaha gudaha ee Soomaaliya. Faragelinta siyaasadeed iyo tan ciidan ee dalalkaas ayaa caqabad ku noqotay in Soomaalidu is fahamto si madax-bannaan.

In kasta oo Muqdisho ay leedahay amni la xakameeyay, gobollada qaar sida Galgaduud, Shabeelooyinka, Jubbooyinka iyo meelo kale waxaa weli ka hawlgala Al-shabaab, taasoo dib u dhigaysa dadaallada dib u heshiisiinta iyo horumarka.

Marka la eego 25 sano oo Carta laga soo wareegay, waxaa muuqata in Soomaaliya aysan weli ka gudbin caqabadihii dib u heshiisiinta ee salka ku hayay qabyaaladda, kalsooni darrada siyaasadeed, iyo faragelinta shisheeye.

Si loo gaaro nabad waarta iyo dowladnimo mid ah, waxaa lama huraan ah in hoggaamiyeyaasha Soomaaliyeed ay dib ugu noqdaan midnimo, wadahadal iyo isu tanaasul, si loo helo xasilooni siyaasadeed oo waarta.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles