Thursday, June 4, 2026

Booliska Soomaaliya oo war ka soo saaray dagaalka ka socda Muqdisho

Wargelin iyo Digniin Amni : Waxaa gabo-gabo ku dhow howlgal baaxad leh oo ay wadaan Hay’adaha Amniga Caasimadda, kaas oo lagu sifeynayo maleeshiyaad ku hubeysan hub culus, kuwaas oo hoobiyeyaal ku garaacay qaar ka mid ah xaafadaha caasimadda.

Maleeshiyaadkan oo ku sugan goobaha ay deggen yihiin xubno qaswadayaal ah oo isku sheegaya siyaasiyiin, kana soo horjeeda amniga iyo xasilloonida, isla markaana ka dambeeyay abaabulka falalkan, ayaa hoobiyeyaal ku weeraray xaafado ay ku nool yihiin dad rayid ah.

Shacabka waxaa lagu wargelinayaa in aysan jirin bannaanbaxyo nabadeed oo, balse ay jirto dhacdo hubeysan oo ay Hay’adaha Amnigu ku howlan yihiin afjariddeeda.

Sidaas awgeed, bulshada waxaa loogu baaqayaa inay ka feejignaadaan falalka abaabulan ee hubeysan ee lidka ku ah amniga iyo xasilloonida, isla markaana ay la shaqeeyaan Hay’adaha Amniga si loo xaqiijiyo amni iyo xasillooni buuxda.

Hay’adaha Amniga ayaa sidoo kale wada howlgallo joogto ah oo lagu soo afjarayo maleeshiyaadkan hubeysan, iyadoo cid kasta oo ku lug leh falalkan si degdeg ah loo horgeyn doono sharciga Insha-Allah.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 04 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

israa’iil oo lagu eedeeyay inay 11 qof ku dishay Qasa

Sida ay sheegeen ilo caafimaad iyo goobjoogayaal, ugu yaraan...

Dowladda Soomaaliya oo digniin culus dirtay

Taliyaha booliiska gobolka Banaadir Mahdi Cumar Muumin oo loo...

Dagaalkii ugu cuslaa oo ka socda Muqdisho

Muqdisho ayaa saaka ku waabariisatay dagaallo culus oo habeenkii...

Israa’iil iyo Lubnaan oo gaaray heshiis hirgelinta xabbad

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa ku dhawaaqday in...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles