Ciidamada Booliiska Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa shaaciyay inay gacanta ku dhigeen shan qof oo lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen kufsi wadareed ka dhacay magaalada Laascaanood 23-kii May 2026, halka eedeysane lixaad uu weli baxsad yahay.
Sida uu sheegay Booliiska Qaybta Gobolka Sool, howlgal dabagal ah oo la sameeyay kadib dhacdada ayaa lagu soo qabtay shanta eedeysane, kuwaas oo lagu tuhunsan yahay inay ka qeyb qaateen falkaasi. Ciidamada ammaanka ayaa intaa ku daray inay weli wadaan baadi-goobka lagu raadinayo qofka lixaad ee baxsadka ku jira.
War-saxaafadeedka Booliiska ayaa lagu sheegay in dhibbanaha uu yahay haweeney kasoo jeeda deegaannada Waqooyi Bari Soomaaliya, iyadoo baaritaannada kiiskana ay weli socdaan.
Booliisku wuxuu xusay in marka la soo gabagabeeyo baaritaanka bulshada lala wadaagi doono warbixin dhammaystiran, isla markaana eedeysanayaasha la horgeyn doono hay’adaha garsoorka si loo marsiiyo habraacyada sharciga.
Dhanka kale, ciidamada ammaanka ayaa shacabka uga digay wararka aan la xaqiijin ee lagu faafinayo baraha bulshada, iyagoo sheegay in xogaha aan kasoo bixin hay’adaha rasmiga ah ay saameyn ku yeelan karaan baaritaanka iyo hannaanka caddaaladda.
Sidoo kale, Booliiska ayaa caddeeyay inaan illaa hadda la hayn wax caddayn ah oo muujinaysa in dhacdadan ay xiriir la leedahay arrimo kale oo ka baxsan kiiska hadda la baarayo.
Dhacdadan ayaa noqoneysa kufsigii labaad ee noociisa ah ee laga soo sheego magaalada Laascaanood muddo laba sano gudahood ah. Sanadkii hore ayaa labo gabdhood oo walaalo ahaa lagu soo warramay in kufsi wadareed loogu geystay magaalada, iyadoo qoysaskooda iyo bulshada qaarkeed ay sheegeen in aan si buuxda caddaalad looga gaarin kiiskaas.


