Monday, May 25, 2026

NISA Oo sheegtay in la Burburiyay Fariisimo Al-Shabaab ku Lahaayeen Hiiraan

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa sheegtay inay howlgal qorsheysan oo ay kaashanayeen saaxiibada caalamiga ah ka fuliyeen deegaanka Tardo ee gobolka Hiiraan, kaas oo lagu beegsaday fariisimo iyo agab ay kooxda Al-Shabaab u adeegsan jirtay weerarro iyo dhaqdhaqaaqyo militari.

Bayaan kasoo baxay NISA ayaa lagu sheegay in ugu yaraan shan xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab lagu dilay howlgalka, kaddib markii la helay xog sirdoon oo muujinaysay in deegaanka lagu uruuriyay maleeshiyaad lagu qiyaasay 25 xubnood, kuwaas oo isugu jiray dagaalyahanno iyo saraakiil ka tirsan kooxda.

Sida ay hay’addu sheegtay, xubnahaasi ayaa qorsheynayay dhaqdhaqaaqyo lagu carqaladeynayo amniga iyo xasilloonida gobolka Hiiraan, taasoo sababtay in la qaado howlgalka lagu bartilmaameedsaday goobaha ay ku sugnaayeen.

NISA waxay intaas ku dartay in ciidamada fuliyay howlgalka ay si gaar ah u beegsadeen xarumo iyo goobaha gabaadka u ahaa kooxda, iyadoo la burburiyay fariisimo iyo agab ciidan oo loo adeegsan jiray isku socodka, maamulka iyo hawlgallada Al-Shabaab.

Sidoo kale NISA ma soo bandhigin magacyada iyo sawirada maleeshiyaadka Al-Shabaab ay sheegtay in la dilay.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii u dambeeyay xoojisay howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay dagaallo ka wadaan deegaanno badan oo ku yaalla bartamaha iyo koonfurta dalka.

Mas’uuliyiinta dowladda ayaa sheegay in howlgaladan ay qayb ka yihiin dadaallada lagu wiiqayo awoodda kooxda iyo sugidda amniga deegaannada laga saaray maleeshiyaadka Al-Shabaab.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 25 05 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

MW Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Bulshada Rayidka

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay...

Falcelin xooggan oo ka dhashay kulamada uu Muqdisho ka wado Xasan Sheekh

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa si adag u dhaliilay...

Booliska Waqooyi bari oo qabtay rag loo haysto Kursi ka dhacay Laascaanood

Ciidamada Booliiska Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa shaaciyay...

Trump oo sheegay inaan lagu deg degin heshiiska lala galayo Iran

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa faray dhexdhexaadiyayaasha “in aan...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 05 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles