Sunday, August 16, 2026

Daacish oo weerar ku qaaday ciidamada Puntland

Dagaal xooggan oo saacado badan qaatay ayaa tan iyo ilaa saaka ka socda buuraha Xabley ee degmada Ufayn ee gobolka Bari, kaasi oo u dhexeeya ciidamada Puntland iyo Maleeshiyaadka Daacish.

Dagaalka oo si gaar ah uga dhacay degaanka Dhaban-qooxle ee buuraha Xabley, kaddib markii koox ka tirsan maleeshiyaadka Daacish soo weerareen saldhig ciidan, oo ay cutubyo ka tirsan ciidamada Puntland ku leeyihiin Dhaban-qooxle.

Ciidamada difaaca Puntland oo heegan sare ku jiray ayaa ka hortagay weerarka ka yimid kooxda Daacish, waxaana la sheegay in dagaalka lagu dilay dagaallamayaal ka tirsan Kooxda, iyadoona weli la soo werinayo inuu socda dagaalka.

Ugu yaraan hal askari oo ka tirsan ciidamada difaaca Puntland ayaa sidoo kale ku dhintay dagaalkaasi oo weli socda, halka ay ku dhaawacmeen ilaa 6 askari oo kale, kuwaasi oo qaarkood dhaawacyo fudud qabaan, sida ay sheegayaan wararka.

Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay laamaha ammaanka ee maamulka Puntland.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 15 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee cusub oo maanta ku guddoomiyay shirka Golaha Shacabka

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa yeeshay kalfadhiga...

Xamsa oo taleefoon kula hadlay ardayda kaalmaha hore ka galay Imtixaanka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa dhambaal...

DF oo shaacisay natiijada imtixaanka fasalka 12-aad

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Jamhuuriyadda...

Koox TikTok u adeegsanaysay iibinta khamriga oo lagu qabtay Gobolka Bari

Taliska Qeybta Booliska Gobolka Bari ee Puntland ayaa shaaciyay...

Uganda oo sheegtay in Ciidamadeedu sii Joogayaan Soomaaliya

Wasiirka Difaaca iyo Arrimaha Ciidamada Uganda, Kiryowa Kiwanuka, ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles