Friday, November 14, 2025

Dagaal markale saaka ka socda deegaanka Aboorey ee G/Hiiraan

Dagaal culus ayaa saakay markale dib uga qarxay deegaanka Abooreey ee gobolka Hiiraan, kaasoo u dhaxeeya ciidamada xoogga iyo kuwa dadka deegaanka oo dhinac iyo kuwa Al-shabaab.

Dagaalka ayaa bilaawday kadib markii maleeshiyaadka Al-shabaab ay weerar rogaal celis ah ay ku qaadeen deegaanka Aboorey, iyadoona weli la maqlayo dhawaqa rasaasta labada dhinac, sida ay xaqiijinayaan dadka deegaanka.

Ma cadda Khasaaraha ka dhashay dagaalka, inkastoo la soo werinayo in labada dhinac uu soo gaaray khasaare, balse tiro koob sax ah aan la heli karin, maadaama uu weli socdo dagaalka.

Shalay deegaanka Aboorey waxaa gaaray Taliyaha ciidamada xoogga Gen Odawaa Yuusuf Raage, isagoo ka tagay degmada Aadan Yabaal, wuxuuna halkaasi u tagay si uu u dhiiri geliyo ciidamada xoogga iyo kuwa dadka deegaanka.

Dagaalkii shalay ayaa waxaa ku geeriyooday Taliyahii ururka 163aad ee ciidamada Danab Asad Cusman Afrax oo ahaa Taliya Ciidanka Danab, qaybta Galmudug.

Sidoo kale Al-shabaab ayaa waxaa dagaalka loogu dilay in ka badan 20 xubnood oo ka tirsanaa Horjoogayaal iyo maleeshiyaad badan oo ka tirsanaa kooxdaasi.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 14 11 2025

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Bandhigga Todobaadka Nabadda oo lagu soo gabagabeeyay Gaalkacyo

Qaar kamid ah maamulka Dowlad Goboleedyada Galmudug iyo Puntland...

Guddoomiyaha golaha shacabka BJFS oo loo doortay Guddoomiyaha golaha sharci dejinta Baarlamaanada EAC

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Mareykanka oo ku baaqay in la joojiyo hubka loo gudbinayo RSF

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka, Marco Rubio, ayaa ku...

Booliska oo faah-faahin ka bixiyay dilkii Gaalkacyo loogu gaystay gabadh yar

Saacadihii la soo dhaafay waxaa magaalada Gaalkacyo ee gobolka...

Xamas oo si tartiib tartiib ah ula wareegaysa Qasa

Xamaas ayaa kordhinaysa la wareegidda maamulka Gaza oo muddooyiinkii...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles