Tuesday, November 18, 2025

Daraawiishta Galmudug oo xalay weerar ku qaaday saldhigyo Al-shabaab ay ku leeyihiin

Ciidamada Daraawiishta Galmudug ayaa xalay howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka Ceel Lahelay ee Bariga gobolka Galgaduud, halkaas oo ay beegsadeen goobo ay ku sugnaayeen maleeshiyaad hubeysan.

Howlgalka oo ay hoggaaminayeen saraakiil ka tirsan ururka Galayr ayaa ka dhacay aagagga ku dhow Ceel Lahelay, waxaana ciidamada ay weerar ku qaadeen saldhigyo ay ku jireen xubno ka tirsan kooxda argagixisada.

Saraakiisha hoggaamineysa howlgalka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ugu yaraan toddoba maleeshii lagu dilay weerarka, isla markaana ay weli daba-gal ugu jiraan xubno kale oo halkaas ka firxaday. Ciidamada ayaa sheegay in ay gabi ahaanba ka saareen kooxdu meelo ay gabaad uga dhiganayeen deegaankaas.

Maadaama uu howlgalka dhacay xilli habeen ah, saraakiishu waxay tilmaameen in aan weli si rasmi ah loo ogaan karin khasaaraha dhabta ah ee kooxda soo gaaray. Hase yeeshee, waxa ay sheegeen in ay filayaan in tiradu ka badan tahay inta la arkay.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa muujinaya in weli howlgallo amni oo kala duwan ay ka socdaan deegaanka Ceel Lahelay, iyadoo saraakiishu balan-qaadeen in ay bulshada la wadaagi doonaan warbixin rasmi ah marka ay soo dhameystiraan baaritaanka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 18 11 2025

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Trump oo u mahadceliyay dalal ay Soomaaliya ka mid tahay

Madaxwaynaha Mareykanka Donold Trump ayaa uga mahadceliyay hogaamiyayaasha caalamka...

Xamaas oo diidday qorshaha Trump ee Qasa

Ra'iisul wasaaraha Israa'iil ayaa soo dhaweeyay qaraarka golaha amniga...

RW Xamsa oo Guddoomiyey Shir Lagu Dardar-gelinayo Hawlaha Doorashooyinka Qaranka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo furay Shirweynaha Labaad ee Qiimeynta iyo Kormeerka Qaran

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...

Wasiirka deegaanka oo khudbad ka jeediyey madasha sare ee dalalka Hay’adda cimilada QM (UNFCCC COP30)

Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles