DFS oo hor istaagtay dadkii maanta u safri lahaa dalka Masar

Agaasimaha hay’adda Socdaalka iyo jinsiyadda Xuseen Iidow ayaa maanta go’aan uu soo saaray ku sheegay in muwaadiniinta Soomaaliyeed aan loo oggolaan doonin inay dalka Masar ugu safraan nidaamka Visaha “On Arrival” ama “Ok to Board”, inkasta oo nidaamkaas ay ogoshay dowladda Masar oo aysan wax go’aan diidmo ah aysan kasoo saarin.

Go’aankan oo saacad ka hor la soo saaray ayaa si degdeg ah loogu dabaqay rakaabkii maanta ku qornaa diyaaradda EgyptAir ee qorshuhu yahay 03:30 galabnimo ka duusho magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay in qaar kamid ah rakaabka laga reebayo safarka ayagoo ku xayiran garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Dad badan oo watay Visaha “On Arrival”, kuwaas oo u badnaa bukaano caafimaad u aadayay Masar, ayaa ku xayiran garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, iyagoo wajahaya jahwareer iyo walaac la xiriira safarkooda iyo xaaladahooda caafimaad.

Go’aanka ayaa dhaliyay su’aalo badan oo ku saabsan sharciyadda xayiraadda maadaama nidaamka “Ok to Board” uu ahaa hab ay si rasmi ah u aqbashay dowladda Masar.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 15 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

IGAD oo maanta Jabuuti ka furaysa shir looga hadlayo nabadda iyo amniga Geeska Afrika

Shir aan caadi ahayn oo ay yeelanayaan Golaha Wasiirrada...

Trump oo Danjirayaal Cusub u Magacaabay Soomaaliya, Jabuuti iyo Sacuudiga 

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa 14-kii Sebtembar 2026 u...

Cirro oo DF ku eedeeyay in ay dadka Kala qeybisay iyo arrimo xasaasi ah uu ka hadlay

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), ayaa sheegay in...

Duqeyn culus oo xalay ka dhacday duleedka Baydhabo

Duqeyn culus ayaa xalay ka dhacday deegaanka Ceel-Muud, oo...

Meleeshiyaad hubeysan oo dad rayid ah laayay iyo faahfaahin ka soo baxaysa

Ugu yaraan 15 qof ayaa lagu dilay weerarro ay...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles