Wednesday, April 8, 2026

Diyaarad laga leeyahay Kenya oo ku dhacday Jubbada Dhexe

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya in diyaarad ay leedahay dowladda Kenya oo xalay ku dhacday inta u dhexeysa Kuunya-baroow iyo Jammaame oo ka tirsan gobolka Jubbada Dhexe.

Wararka ayaa sheegaya in seddex xubnood ay saarnaayeen diyaarada, kuwaasi oo la sheegay in ay ka badbaadeen, sida ay sheegayaan wareedyo muhiim ah.

Ma jiraan faahfaahino dheeraad ah oo ay bixiyeen laamaha ammaanka Kenya, kaasi oo ku aadan in ay ka hadlaan diyaaradan Helikopter-ka ee ku dhacday deegaanada ay ka taliyeen maleeshiyaadka Al-shabaab.

Sidoo kale ma jirto xog ay bixiyeen dowladda Soomaaliya ee ku saabsan diyaarada dhacday, waxaaana shaki ka dhashay sababta keentay in diyaaradan ay ugu dhacday deegaanadaasi.

Diyaarado badan oo ay ku jiraan Kuwa AUSSOM leeyihiin ayaa tiro dhowr jeer ah ku dhacday deegaanada Al-shabaab ay maamulaan.

Deegaanada ka tirsan gobolka Jubbada Dhexe ayaa intiisa badan waxaa gacanta ku hayo maleeshiyaadka Al-shabaab

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 08 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Trump oo war ka soo saaray heshiiska uu la galay Iran

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa qoraal uu soo dhigay...

Markabka qodista Shidaalka Turkiga oo Jimcaha soo gaaray Muqdisho

Markabka qodista shidaalka ee Turkiga Çağrı Bey ayaa soo...

Xildhibaano ka tirsan BFS oo sharci darro ku tilmaamay Kursiga Wasiir Jaamac

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, oo ka kala...

Duqeyn lala beegsaday Al-Shabaab oo ka dhacay Mudug

Diyaarado dagaal ayaa xalay saqdii dhexe duqeymo culus ka...

Xubno ka tirsan Al-shabaab oo lagu dilay Jubbada Hoose

Ciidamada Jubaland iyo kuwa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles