Golaha Amaanka oo Itoobiya ka reebay ciidanada cusub ee la geynayo Soomaaliya

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ansixiyey qorshe lagu abuurayo ciidamo cusub oo ka socda Midowga Afrika, kuwaas oo la filayo in ay hawlgallada ka dhan ah kooxda Al-Shabaab bilaabaan bisha January.

Ciidamada Ethiopia Ayaan ka mid noqon doonin ciidamada nabad ilaalinta ee cusub.

Ciidamadan ayaa lagu beddelayaa Howlgalka KMG ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), oo waajibaadkiisu ku egyahay 31-ka Diseembar.

Qaraarka, oo ay soo diyaarisay Boqortooyada Britain, waxaa oggolaaday 14 xubnood oo ka tirsan Golaha Ammaanka, halka Mareykanku ka aamusay sababo la xiriira walaacyo ku saabsan maalgelinta.

Ciidamada cusub ee AUSSOM ayaa yeelan doona ilaa 12,626 askari oo kala ah ciidamada milatariga iyo 1,040 booliis ah.

Xubnaha Midowga Afrika ayaa loo fasaxay inay ciidamadaan sii joogteeyaan illaa 30-ka Juun 2025, iyadoo muddadaas lagu dhammeystirayo beddelidda dhammaan ciidamada ATMIS oo loo wareejinayo AUSSOM.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 04 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maraykanka oo war ka soo saaray colaadda Tigraay ee Itoobiya

 Wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka ayaa ugu baaqday dhammaan...

Al-Burhaan oo gaaray Al-Calamayn, kana qeybgalaya shir madaxeedka

Hoggaamiyaha Golaha Madaxbannaanida KMG ah ee Suudaan, Taliyaha Guud...

DFS oo dhammaystirtay dhismaha Qaybta 26-aad ee Ciidanka Xoogga

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhammaystirtay dib-u-abaabulka Qaybta 26-aad ee...

Soomaaliya oo sheegtay inaysan Itoobiya ka helin wargelin ku saabsan bixitaanka ciidankeeda

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inaysan Itoobiya ka helin wax...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles