Wednesday, September 17, 2025

Guddoomiye Mungaab oo sheegay in la dhisi doono Wadada Warshadaha, Daallo iyo Fagax

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jaray 12 waddo oo cusub oo lagu dhisay qaab Interlock, kuwaas oo laga hirgeliyey Waaxda Xaawo Taako ee degmada Hawlwadaag.

Mashruuca dhismaha waddooyinkan ayaa si wadajir ah uga hirgalay iskaashiga bulshada deegaanka iyo maamulka Gobolka Banaadir, waxaana uu ka mid yahay dadaallada lagu horumarinayo kaabeyaasha dhaqaalaha iyo bilicda caasimadda.

Guddoomiye Dr. Muungaab ayaa sheegay in xasilloonida iyo nabadgelyada Muqdisho ay horseedeen horumar muuqda, isla markaana dowladda hoose ay ka go’an tahay in canshuurta shacabka dib loogu celiyo adeegyo la taaban karo. Wuxuu hoosta ka xarriiqay in mudnaanta la siin doono dhismaha iyo dayactirka waddooyinka muhiimka ah.

Sidoo kale, Guddoomiyuhu wuxuu ku dhawaaqay in qorshaha dhismaha Wadada Warshadaha uu meel fiican marayo, islamarkaana qiimeyn lagu sameynayo, halka Daalo iyo Fagax uu ballan qaaday in dhowaan si muuqata wax looga qaban doono.

Dhanka kale, Dr. Muungaab ayaa ugu baaqay shacabka in ay si wadajir ah uga qayb qaataan ilaalinta nadaafadda iyo bilicda magaalada, maadaama ay tahay masuuliyad guud.

Munaasabadda xarig-ka-jarista ayaa waxaa ka qeyb galay Guddoomiye Ku-xigeenka Hawlaha Guud, Cabdimajiid Daahir Aadan, agaasimayaal ka tirsan maamulka gobolka, iyo mas’uuliyiinta degmada Hawlwadaag.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 17/09/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

RW Xamsa Cabdi Barre, oo xafiikiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Shiinaha

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...

Mareykanka oo xaqiijisay in Nin hubka u iibiya Al-shabaab ay ku dileen duqeyn ka dhacday Sanaag

Mareykanka ayaa ugu danbeyn si cad u qirtay inuu...

Waqooyi Bari oo ka digtay abaabul dagaal ay Somaliland wado

Wasaaradda Amniga ee Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa...

Israa’iil oo ballaarisay howlgalkeeda Qaza, guddiga Qaramada Midoobay oo ku eedeeyay xasuuq

Ciidamada Israa’iil ayaa sii ballaariyay howlgaladooda ka socda Marinka...

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 16/09/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles