Wednesday, January 28, 2026

IGAD oo Soomaaliya kala shaqaynaysa ilaalinta deegaanka

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Iseddalka Cimilada JFS, Sareeye Guud Mudane Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa kulan muhiim ah maanta Xarunta La qabsiga Isbeddalka Cimilada iyo Ilaalinta ee Deegaanka Urur gobaleedka IGAD ee magaalada Muqdisho kula yeeshay Agaasimaha Xaruntaas, Danjire Jamaal Maxamed Xasan. Labada dhinac waxa ay ka wada hadleen xoojinta wadashaqeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Urur gobaleedka IGAD ee wax ka qabshada La-qabsiga, U Adkeysiga Isbeddalka Cimilada iyo ilaalinta Deegaanka oo ay dunida xilligaan ku bixinayso juhdi iyo dhaqaalo badan.

Agaasimaha Xarunta dhexe ee La-qabsiga Isbadalka Cimilada iyo Ilaalinta Deegganka Ee Urur gobaleedka IGAD, Mudane Jamaal Maxamed Xasan ayaa warbixin dhammaystiran ka siiyay Wasiirka, Shaqooyinka iyo howlaha baaxadda leh ay ka hayso gobalka Xarunta ICECAEP, Sidoo kalana la wadaagay Istaarajiyadda La-qabsiga Isbadalka Cimilada ee 2023-20230 taasi oo ay ku cadyahiin qeybaha la doonaya in wax looga qabto Soomaaliya iyo Gobolka, isla markaana ballanqaaday in doorka Soomaaliya ay ka go’an tahay inuu kaaalin macno wayn leh ka qaato.

Wasiirka Bashiir Maxamed Jaamac ayaa dhankiisa ballanqaaday in si dhow ula shaqeyn doonan Xafiiska Xarunta Sare ee La-qabisga Isbadalka Cimillada iyo Deeganka Urur gobaleedka IGAD, ka dowladd federaal ahna ay garab istaagi doonaan howlaha kala duwan ee sida wadjirka ah loo wajahayo ee wax ka qabshada u baahan, Sida La.-qabsiga, U-adkeyga, Maareynta Deegaanka iyo taageidda bulshooyinka nugal ee saameysay Fatahaadaha, Abaaraha iyo Masiibooyinka Dabiiciga ah.

Ugu damneyn Wasiirka ayaan waxaa kulanka ku wehliyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda iyo khuburro kale, iyada oo la isku afgartay dardar-gelinta howlaha horutabinta leh ee labada dhinac sida wadajir ah u waddaan.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 27 01 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Guddiga joogtada ee Golaha shacabka oo labo garab u kala jabay

Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya...

Milatari Soomaaliya oo dagaal kula wareegay Deegaanka Jabad Godane

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa si buuxda gacanta ugu...

Midowga Yurub oo taageeray shirka ay aqbaleen Mucaaradka

Ergeyga Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya, Francesca Di Mauro,...

Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka iyo Kaabayaasha Turkiga oo soo gaaray Muqdisho

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Soomaaliya Maxamed Cabdulqaadir...

DFS oo qiratay mas’uuliyada boobkii bakhaaradii raaashinka WFP ee Muqdisho

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u qaadatay...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles