Tuesday, February 17, 2026

Madaxweyne Deni “Puntland gacmaha kama laabanayso badbaadinta dalka”.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in Puntland aysan gacmaha ka laaban doonin badbaadinta dalka iyo dowladnimada Soomaaliyeed, isagoo xusay in doorkaasi ay si wadajir ah u qaadanayaan Golaha Mustaqbalka oo ka kooban Puntland, Jubbaland iyo Mucaaridka Muqdisho.

“Dowladda Puntland waxay juhdi gelisey dib u yagleelidda dowlad dhexe, waxaa nasiib darro ah inuu weli taagan yahay khilaaf la xiriira hanaanka federalka, waa la gaari karaa rajada shacabka Soomaaliyeed haddii la heli hoggaan u diyaarsan, dowladda Puntland aqbali mayso in meesha laga saaro shuruucda, mana sii fiirsanayso in dalku galo firaaq dastuuri ah

Madaxweyne Deni ayaa tilmaamay in Dowladda Puntland ay juhdi gelisay dib u dhiska dowlad dhexe oo federaal ah, balse ay nasiib darro tahay in weli uu taagan yahay khilaaf ku saabsan hannaanka federaalka.

“Waxaa la gaari karaa rajada shacabka Soomaaliyeed haddii la helo hoggaan u diyaarsan, dowladda Puntland aqbali mayso in meesha laga saaro shuruucda dalka, mana sii fiirsanayso in dalku galo firaaq dastuuri ah,” ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Sidoo kale, Madaxweyne Deni ayaa amaanay Madaxweynaha Somaliland doorkiisa ku aaddan nabadaynta gobolka Sanaag iyo shirweynihii Ceerigaabo, isagoo ku tilmaamay talaabo mudan in lagu bogaadiyo.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 16 02 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Golaha Mustqablka Soomaaliyeed oo kulamo ka wada Muqdisho

Kulan xasaasi ah ayaa haatan waxaa uu u socdaa...

Lafta gareen oo shir xasaasi ah la qaatay saraakiisha Koofur Galbeed

Madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa...

Wasiir Fiqi oo kulan la qaatay Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Axmed Macallin Fiqi...

Soomaaliya iyo Tanzania oo heshiis is afgarad ah kala saxiixday

Dowladda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Jamhuuriyadda Midowga ee...

Baarlamaanka oo maanta dood ka yeeshay Dastuurka

Waxaa maanta si rasmi ah u furmay kulanka 17-aad...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles