Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in Puntland aysan gacmaha ka laaban doonin badbaadinta dalka iyo dowladnimada Soomaaliyeed, isagoo xusay in doorkaasi ay si wadajir ah u qaadanayaan Golaha Mustaqbalka oo ka kooban Puntland, Jubbaland iyo Mucaaridka Muqdisho.
“Dowladda Puntland waxay juhdi gelisey dib u yagleelidda dowlad dhexe, waxaa nasiib darro ah inuu weli taagan yahay khilaaf la xiriira hanaanka federalka, waa la gaari karaa rajada shacabka Soomaaliyeed haddii la heli hoggaan u diyaarsan, dowladda Puntland aqbali mayso in meesha laga saaro shuruucda, mana sii fiirsanayso in dalku galo firaaq dastuuri ah
Madaxweyne Deni ayaa tilmaamay in Dowladda Puntland ay juhdi gelisay dib u dhiska dowlad dhexe oo federaal ah, balse ay nasiib darro tahay in weli uu taagan yahay khilaaf ku saabsan hannaanka federaalka.
“Waxaa la gaari karaa rajada shacabka Soomaaliyeed haddii la helo hoggaan u diyaarsan, dowladda Puntland aqbali mayso in meesha laga saaro shuruucda dalka, mana sii fiirsanayso in dalku galo firaaq dastuuri ah,” ayuu yiri Madaxweyne Deni.
Sidoo kale, Madaxweyne Deni ayaa amaanay Madaxweynaha Somaliland doorkiisa ku aaddan nabadaynta gobolka Sanaag iyo shirweynihii Ceerigaabo, isagoo ku tilmaamay talaabo mudan in lagu bogaadiyo.


