Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta dib ugu laabtay furimaha hore ee dagaalka, gaar ahaan degmada Raage ceele ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa degmada Raage Ceele u tagay dardargalinta dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab oo xoogiisa haatan ka socdo gobolka Shabeellaha dhexe.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Raagge Ceela kula kulmi doono sarakiisha Ciidamada Xoogga iyo kuwa dadka deegaanka.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa abaabul culus ka wada deegaano ka tirsan gobolka Shabeelada Dhexe, waxaana madaxweyne ka go’an siddii Al-shabaab looga saari lahaa deegaanada Hirshabelle iyo Galmudug.
Safarka uu maanta ku tagay madaxweyne Xasan Sheekh degmada Raaga Ceella ayaa kusoo aadaya, xili uu maalin ka hor safar noocaan oo kale ah uu ku tagay furimaha hore ee dagaalka degmooyinka Aadan Yabaal iyo Moqokori oo ka kala tirsan Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, halkaas oo kulamo lagu dardar galinaayo dagaalka Al,shabaab uu kula soo qaatay saraakiisha ciidanka xoogga dalka iyo hoggaamiyaasha ciidanka Macawiisleeyda.