Tuesday, August 11, 2026

RW Xamsa oo magacaabay Guddiga Heer Qaran ee Taageerada Dagaalka Daacish iyo Al-Shabaab

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,  Xamsa Cabdi Barre, ayaa magacaabay Guddiga Qaran ee Taakuleynta Dagaalka lagula jira kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish.

Xubnaha Guddiga Taakulaynta Dagaalka, ayaa waxaa hoggaaminaya Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali.

Guddigan ayaa ka kooban todobo xubnood, waxaa ayna ka shaqeyn doonaan siddii loo garab istaagi lagaa ciidamada xoogga iyo kuwa Daraawiishta Puntland ee xiligan dagaalka adag kula jira maleeshiyaadka Al-shabaab.

Guddigan ayaa ka kooban Ra’iisul Wasaare Ku Xigeen, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka, Wasiirka Isbaddalka Cimilada, Wasiirka Caafimaadka, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Maareeyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka.

Ma cadda sida guddigan uu uga hawl gali doono Deegaannada Puntland iyo Jubbaland oo uu khilaaf siyaasadeed kala dhaxeeyo Xukuumadda.

Waxaa xusid mudan inuusan guddigan ku jirin Wasiirka cusub ee Gaashaandhigga iyo Wasiirka Amniga oo lagu bedelay Wasiiru Dowlaha.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 11 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

RW Xamsa oo hambalyo u diray Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka ee BFS

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa...

Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo loo doortay Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Xildhibaan Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa maanta loo doortay...

Ciidamada Itoobiya oo ka baxay Buurhakaba

Ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika...

Laftagareen oo Nairobi kula kulmay Madaxweyne Ku-xigeenka Jubbaland

Madaxweynihii hore ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan...

Xildhibaanada Baarlamaanka oo Maanta Dooranaya Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles