Somaliya oo la wareegtay Guddoonka Golaha Wasiirada Gaashaandhigga ee EASF

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dowladda Rwanda kala wareegtay Hoggaanka Ciidanka Heeganka ee Bariga Afrika (EASF) oo ah urur goboleed uu waajibaadkiisu yahay kor u qaadista nabadda iyo ammaanka gobolka Bariga Afrika, kana mid ah shanta ciidan goboleed ee ciidamada heeganka ah ee Afrika (EASF) oo ka kooban militari, boolis iyo qaybo rayid ah.

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa dhiggiisa dalka Rwanda mudane Juvenal Marizamunda kala wareegay xilka Guddoomiyaha Golaha Wasiirada Gaashaandhigga iyo Amniga ee Gobolka Bariga Afrika, intii uu socday shirka sanadlaha ee 33-aad ee dejinta Siyaasadaha EASF oo ay iskugu yimaadeen Madaxda dalalka EASF oo ka dhacay Magaalada Kigali ee Dalka Rwanda.

Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay guddoominaysa Golaha Wasiirrada Gaashaandhigga ee EASF, iyadoo ay kasoo wareegtay 20 sano markii la aasaasay ururkan.

Wasiirka Gaashaandhigga JFS Cabdulqaadir Maxamed ayaa u mahadceliyey gudoomiyaha uu xilka kala wareegay, wuxuuna ballan qaaday in Soomaaliya ka go’an tahay wada shaqaynta dhammaan dawladaha xubnaha ka ah EASF. Wuxuuna Wasiirku casuumaad u fidiyey in kalafadhiga xiga ay Soomaaliya ku marti gelin doono.

WARARKII KALE

Katz : Israel ma qorsheyneyso in ay weerarto Iran ka hor dorashada

Wasiirka difaaca Isreal Israel Katz ayaa maanta oo isniin...

Iran oo diiday dalabkii Britain, Faransiiska iyo Jarmalka ee ahaa in wada-hadal lala yeesho

Maalmo ka hor intii aysan Britain, Faransiiska iyo Jarmalku...

Xasan Sheekh oo mucaaradka ugu yeeray gogol wadahadal oo Muqdisho ka furmaysa

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa casuumaad rasmi ah...

Firdhiye iyo Abwaan oo heshiis ka gaaray khilaafkii siyaasadeed ee ka dhex taagnaa

Hoggaamiyaha maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya, Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali Firdhiye,...

Xasan Sheekh oo gogol wada-hadal u fidiyay mucaaradka, cadaadiskii siyaasadeed oo mira dhalaya

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa mar kale gogol...

Dowladda Soomaaliya oo ku dhawaaqday natiijo toddobaadyo la sugayey

Wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka Bulshada ee dowladda Federalka Soomaaliya...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles