Tuesday, February 17, 2026

Trump oo sheegay in ‘heshiis nabadeed oo weyn’ lagu saxiixi doono Malaysia

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa hadda ka soo degay diyaarada Air Force One ka dib markii uu gaaray garoonka caalamiga ah ee Kuala Lumpur, waxaana halkaas ku soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha Malaysia Anwar Ibrahim.

Waxaa uu gacan qaaday wasiirro iyo saraakiil sar sare oo ka tirsan dowladda Malaysia oo halkaas ku soo dhaweeyey.

Trump ayaa Malaysia u gaaray si goob joog ugu noqdo saxiixa heshiis nabadeed oo ay wada gaaraan dalalka Thailand iyo Cambodia ka dib dagaalkii xadka ee dhexmaray bishii Luulyo.

Mr Trump ayaa ku tilmaamay “heshiis nabadeed oo weyn oo uu ku faanay inuu dhexdhexaadinayey.”

Sidoo madaxwene Trump waxa uu ka qayb gelayaa shirka madaxda Ururka Koonfur Bari Aasiya (ASEAN), iyo sidoo kale wadahadal uu la yeellanayo hoggaamiyaha Shiinaha, Xi Jinping, halkaas oo ay labadooduba uga qayb gelayaan shirka iskaashiga dhaqaalaha ee Asia-Pacific (APEC). Mr. Trump waxa kale oo uu booqan doonaa Japan.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 16 02 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Golaha Mustqablka Soomaaliyeed oo kulamo ka wada Muqdisho

Kulan xasaasi ah ayaa haatan waxaa uu u socdaa...

Lafta gareen oo shir xasaasi ah la qaatay saraakiisha Koofur Galbeed

Madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa...

Wasiir Fiqi oo kulan la qaatay Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Axmed Macallin Fiqi...

Soomaaliya iyo Tanzania oo heshiis is afgarad ah kala saxiixday

Dowladda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Jamhuuriyadda Midowga ee...

Baarlamaanka oo maanta dood ka yeeshay Dastuurka

Waxaa maanta si rasmi ah u furmay kulanka 17-aad...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles