Monday, December 22, 2025

Wasiirka amniga oo kulan gaar ah la qaatay dhallinyarada magaalada Garbahaarey

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, oo ay ku wehliyaan Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Deegaanka Isbeddelka Cimilada Axmed Maxamed Cumar, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xildhibaan Cismaan Libaax, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Xildhibaan Cabdirashiid Olow, Guddoomiye Ku-xigeenka Guddiga Amniga iyo Arrimaha Gudaha ee Baarlamaanka Xildhibaan Nuur Affey, iyo Xildhibaan Baa’le, ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay dhallinyarada magaalada Garbahaarey ee gobolka Gedo.

Wasiirka Amniga Gudaha Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, ayaa dhallinyarada ku boorriyay inay noqdaan hormuudka isbeddelka bulshada, isaga oo xusay muhiimadda ay dhalinyaradu u leeyihiin mustaqbalka dalka, sidoo kale wuxuu tilmaamay in doorashada qof iyo cod ay tahay fursad muhiim ah oo lagu xaqiijinayo cadaaladda iyo sinnaanta siyaasadeed, isagoo ku adkeeyay dhallinyarada inay wacyigelin u sameeyaan bulshada inteeda kale si loo gaaro ujeeddooyinkaas.

dhinaca kale Xubnaha wafdiga ayaa , dhallinyarada kula dardaarmay inay iska kaashadaan sugidda nabadda, taageeridda dimuquraadiyadda, iyo horumarinta bulshadooda sidoo kalena ay dhalinyaradu yihiin xoogga ugu weyn ee lagu dhisi karo dowladnimo waarta iyo mustaqbal wanaagsan oo ay Soomaaliya ku tallaabsato.

 

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 22 12 2025

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Xildhibaanada labad Aqal ee BFS oo ka dooday Miisaaniyada DFS ee sanadka 2026

Mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka  Federaalka Soomaaliya ayaa maanta...

Horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab oo lagu dilay deegaanka Jabad Godane

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa 21-kii December 2025 fuliyay...

DFS oo ku dhawaaqday in khamiista la xirayo garoonka diyaaradaha ee Muqdisho

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa soo saartay qoraal rasmi...

Dagaal ka socda degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan

Dagaal xoogan ayaa ka socda Degmada Jalalaqsi, kaas oo...

Maxay ka wadahadleen Soomaaliya iyo Masar

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Soomaaliya Cabdisalaan...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles