Wasiirka Dastuurka KGS iyo Q.M oo ka wadahadlay Dib u eegista iyo dhameystirka Dastuurka

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Dowlad goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya Maxamed Ibrahim Barre oo ay wehliyaan Agaasimaha Guud ee Wasaaradda iyo Agaasimaha Waaxda Dastuurka ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay xafiiska Qaramada Midoobay gaar ahaan qaybta Joint Justice and Corrections Section (JJCS).

Kulanka ayaa ahaa is-xogwaraysi ku saabsan shaqooyinka Wasaaradda ee ku aaddan dib-u-eegista iyo dhameystirka Dastuurada heer Federaalka iyo heer Dowlad goboleed iyo qorshayaasha u degsan Wasaaradda.

Madaxda Wasaaradda oo ugu horreeyo Wasiirka Wasaaradda ayaa warbixin dhammeystiran ka siiyay xafiiska JJCS waxqabadka iyo guulaha ay gaartay Wasaaradda iyo kaalinta ama doorka xafiiska JJCS ee taageerada Arrimaha dastuurada labada heer.

Ugu dambeyn, Labada dhinac ayaa isku raacay in la xoojiyo wada shaqaynta iyo xiriirka ka dhexeeya, isla markaana ay yeeshaan kulamo kale oo lagu sii ambaqaadayo sidii Xafiiska JJCS uga taageeri lahaa Wasaaradda hawlaheeda muhiimka ah iyo shaqooyinka ay wado Wasaaradda ee ku saabsan dhismaha, dhameystirka iyo hormarinta dastuurada labada heer.

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles