Tuesday, August 18, 2026

Wasiirka Dastuurka KGS iyo Q.M oo ka wadahadlay Dib u eegista iyo dhameystirka Dastuurka

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Dowlad goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya Maxamed Ibrahim Barre oo ay wehliyaan Agaasimaha Guud ee Wasaaradda iyo Agaasimaha Waaxda Dastuurka ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay xafiiska Qaramada Midoobay gaar ahaan qaybta Joint Justice and Corrections Section (JJCS).

Kulanka ayaa ahaa is-xogwaraysi ku saabsan shaqooyinka Wasaaradda ee ku aaddan dib-u-eegista iyo dhameystirka Dastuurada heer Federaalka iyo heer Dowlad goboleed iyo qorshayaasha u degsan Wasaaradda.

Madaxda Wasaaradda oo ugu horreeyo Wasiirka Wasaaradda ayaa warbixin dhammeystiran ka siiyay xafiiska JJCS waxqabadka iyo guulaha ay gaartay Wasaaradda iyo kaalinta ama doorka xafiiska JJCS ee taageerada Arrimaha dastuurada labada heer.

Ugu dambeyn, Labada dhinac ayaa isku raacay in la xoojiyo wada shaqaynta iyo xiriirka ka dhexeeya, isla markaana ay yeeshaan kulamo kale oo lagu sii ambaqaadayo sidii Xafiiska JJCS uga taageeri lahaa Wasaaradda hawlaheeda muhiimka ah iyo shaqooyinka ay wado Wasaaradda ee ku saabsan dhismaha, dhameystirka iyo hormarinta dastuurada labada heer.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 17 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

MW Xasan Sheekh oo maanta gaaray deegaanka Gelinsoor ee Gobolka Galgaduud

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ku guda jira...

DF oo shaacisay khasaaraha ka dhashay dagaalkii Baydhabo

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegtay in abaare 5:00 subaxnimo...

KGS oo ku dhawaaqday in gebi ahaanba la soo Afjaray Weerarkii Baydhabo

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in gebi ahaanba la...

Wasiirka Xasan Eeley oo khawaarij ku tilmaamay Ciidanka Lafta gareen ee weeraray Baydhabo

Wasiirka Xannaanada Xoolaha Soomaaliya, Xasan Xuseen Maxamed (Eeley), ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles