Thursday, April 9, 2026

Wiil bajaajle ah oo xalay lagu dilay degmada Deyniile

Wiil dhalinyaro Aqoonyahan ah oo lagu magacaabi jiray Cabdi risaaq Abuukar Muxumed Beereey, ayaa waxaa Xalay si  fool xun loogu dilay waaxda Barwaaqo ee degmadda Dayniile ee Gobalka Banaadir.

Marxuum C/risaaq Abuukar Muxumed Beereey ayaa waxaa dilay mid ka mid ah Laba Askari oo isku risaaseyneysay Xaafadda Waaxda Barwaaqo ee degmadda Dayniile ee Gobalka Banaadir iyadda oo Askarigii dilka gaysatay uu ka baxsaday goobta uu dilka ka gaystay.

Marxuum C/risaaq Abuukar Muxumed Beereey waxa uu noloshiisa ku maarayn jiray kana shaqeysan jiray Bajaajta ka howlgasha Magaladda Caasimadda ah ee Muqdisho.

Marxuum, C/risaaq Abuukar Muxumed Beereey ayaa waxa uu ka soo jeedaa Gobalka Hiiraan gaar ahaan degmadda Jalalaqsi waxa uuna rabay dhawaan maalmo kadib in uu u safro ama u duulo dalka Mareykanka isaga iyo qoyskiay haysteen dal ku galka dalka Mareykanka

Dilalka askarta ay u geystaan dadka shacabka ah ayaa muddooyinkii dambe u muuqday mid hoos u dhacayay, laakiin waxaa hadda muuqata in degmada Deyniile ay dilal ka dhaceen bilihii lasoo dhaafay oo waxyeelo kasoo gaartay dad shacab ah, iyadoo dilalkaas qaarkood loo aaneyno rag ku labisan dareeska ciidan.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 08 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Trump oo war ka soo saaray heshiiska uu la galay Iran

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa qoraal uu soo dhigay...

Markabka qodista Shidaalka Turkiga oo Jimcaha soo gaaray Muqdisho

Markabka qodista shidaalka ee Turkiga Çağrı Bey ayaa soo...

Xildhibaano ka tirsan BFS oo sharci darro ku tilmaamay Kursiga Wasiir Jaamac

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, oo ka kala...

Duqeyn lala beegsaday Al-Shabaab oo ka dhacay Mudug

Diyaarado dagaal ayaa xalay saqdii dhexe duqeymo culus ka...

Xubno ka tirsan Al-shabaab oo lagu dilay Jubbada Hoose

Ciidamada Jubaland iyo kuwa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles