Xaalada Beledxaawo oo saaka degan, iyo Barakac hor leh oo socda

Magaalada Balad-Xaawo ee gobolka Gedo ayaa saaka ku waabariisatay xaalad deggan, inkastoo cabsi xooggan laga qabo in dagaallo cusub ay markale ka qarxaan, kaddib iska hor-imaad culus oo shalay dhexmaray ciidamo taabacsan dowladda Federaalka iyo kuwa maamulka Jubbaland, oo uu hoggaaminayo Cabdirashiid Janan.

Wararka laga helayo magaalada oo ay go’an tahay isgaarsiinteedu muddo ku dhow toddobaad ayaa tilmaamaya in xaaladda nololeed ay aad u liidato, iyadoo dadka shacabka ah ay wajahaan dhibaatooyin dhanka cunnada, biyaha iyo adeegyada kale ee aasaasiga ah.

Barakac hor leh ayaa laga soo sheegayaa magaalada, iyadoo boqolaal qoys u qaxeen duleedka Balad-Xaawo iyo xuduudaha dalalka Kenya iyo Itoobiya, si ay uga badbaadaan colaadda ka aloosan gudaha magaalada.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in labada dhinac ee dagaallamay weli ku sugan yihiin deegaannadii ay horay u kala joogeen.

Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku sugan Xerada UK, halka kuwa Jubbaland ay weli ku sugan yihiin gudaha magaalada Balad-Xaawo.

Dadweynaha deegaanka ayaa muujinaya walaac xooggan, iyaga oo ka baqdin qaba in dagaalku dib u qarxo, maadaama aysan jirin wax heshiis ah oo laga gaaray xiisadda taagan.

Dowladda Federaalka iyo maamulka Jubbaland ayaa horay ugu eedeeyay midba midka kale inuu hurinayo dagaal, taas oo sii adkaynaysa xal u helidda colaadda gobolka Gedo.

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles