Monday, June 8, 2026

Xaalada Beledxaawo oo saaka degan, iyo Barakac hor leh oo socda

Magaalada Balad-Xaawo ee gobolka Gedo ayaa saaka ku waabariisatay xaalad deggan, inkastoo cabsi xooggan laga qabo in dagaallo cusub ay markale ka qarxaan, kaddib iska hor-imaad culus oo shalay dhexmaray ciidamo taabacsan dowladda Federaalka iyo kuwa maamulka Jubbaland, oo uu hoggaaminayo Cabdirashiid Janan.

Wararka laga helayo magaalada oo ay go’an tahay isgaarsiinteedu muddo ku dhow toddobaad ayaa tilmaamaya in xaaladda nololeed ay aad u liidato, iyadoo dadka shacabka ah ay wajahaan dhibaatooyin dhanka cunnada, biyaha iyo adeegyada kale ee aasaasiga ah.

Barakac hor leh ayaa laga soo sheegayaa magaalada, iyadoo boqolaal qoys u qaxeen duleedka Balad-Xaawo iyo xuduudaha dalalka Kenya iyo Itoobiya, si ay uga badbaadaan colaadda ka aloosan gudaha magaalada.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in labada dhinac ee dagaallamay weli ku sugan yihiin deegaannadii ay horay u kala joogeen.

Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku sugan Xerada UK, halka kuwa Jubbaland ay weli ku sugan yihiin gudaha magaalada Balad-Xaawo.

Dadweynaha deegaanka ayaa muujinaya walaac xooggan, iyaga oo ka baqdin qaba in dagaalku dib u qarxo, maadaama aysan jirin wax heshiis ah oo laga gaaray xiisadda taagan.

Dowladda Federaalka iyo maamulka Jubbaland ayaa horay ugu eedeeyay midba midka kale inuu hurinayo dagaal, taas oo sii adkaynaysa xal u helidda colaadda gobolka Gedo.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 08 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Iran ayaa sheegtay in joojineyso weerarada

Iran ayaa ku dhawaaqday goor dhaweyd in la soo...

Xisbullah oo sheegtay in weeraro aargoosi ah ay ku qaaday ciidamada Israel ee jooga Lubnaan

Xisbullah ayaa sheegtay in ay gantaallo ku duqeysay kolonyo...

Maxaa ka cusub dhex dhexaadinta ay Turkiga ka dhex wado DF iyo Mucaaradka

Waxaa magaalada Muqdisho ka socda wadahadallo siyaasadeed oo heer...

Xoogagga Yemen oo ku dhawaaqay xayiraad buuxda oo ka dhan ah maraakiibta Israa’iil ee Badda Cas

Xoogagga Hubeysan ee Yemen ayaa sheegay inay qaadayaan tallaabooyin...

Madaxweyne Cirro oo la filayo inuu booqasho ku tago Israa’iil

Sida lagu daabacay warbixinta, qodobka ugu weyn ee safarka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles