Wednesday, April 22, 2026

Maxay ka wadahadlayaan MW Xasan Sheekh iyo William Ruto iyo xogta safarka?

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa safar ku tegaya magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaasi oo uu la kulmi doono Madaxweynaha Kenya, William Ruto. Kulanka labada madaxweyne ayaa looga hadli doonaa arrimo muhiim ah oo khuseeya amniga gobolka, xiriirka labada dal, iyo xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya.

Mid ka mid ah mowduucyada ugu weyn ee labada madaxweyne ka wadahadli doonaan waa faragelinta Israa’iil ee arrimaha Soomaaliya iyo aqoonsiga beenta ah ee Somaliland.

Kenya ayaan ilaa hadda si rasmi ah uga hadlin aqoonsiga Somaliland, waxaana la filayaa in kulankaan uu noqdo mid lagu adkeyn doono mowqifka dowladda Soomaaliya ee arrintaas.

Intaa waxaa dheer, labada dhinac waxay sidoo kale ka wadahadli doonaan arrimaha amniga Geeska Afrika, la dagaalanka Al-Shabaab, iyo arrimaha Badda Cas. Waxaa la filayaa in Kenya lagu qasbo in ay taageerto dowladda Soomaaliya, gaar ahaan arrinta ka hortagga taageerada Yuhuudda ee Somaliland, maadaama ciidamo badan oo ka tirsan Hawlgalka AUSSOM ay ka joogaan Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale qorsheynaya inuu safar ku tago dalalka kale ee gobolka Geeska Afrika, iyadoo ay taagan tahay xiisad siyaasadeed oo la xiriirta aqoonsiga Somaliland.

Safarkaan ayaa sidoo kale imaanaya xilli ay Somaliland usbuucii hore heshay aqoonsigii ugu horreeyay, taas oo walaac ka abuuray Soomaaliya iyo dalalka Carabta ee taageera Midnimada Soomaaliya.

Safarka Xasan Sheekh ayaa noqonaya mid muhiim ah iyadoo dowladda Soomaaliya ay doonayso in ay xoojiso taageerada ay ka helayso wadamada gobolka iyo caalamka, si looga hortago arrimaha amniga iyo aqoonsiga Somaliland. Waxaa la filayaa in kulamadaasi ay noqon doonaan kuwo lagu adkeyn doono mowqifka Soomaaliya ee gobolka Geeska Afrika.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 22 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Turkiga oo kordhisay doorkeeda la-dagaallanka argagixisada Soomaaliya

Dowladda Turkiga ayaa markii ugu horreysay si rasmi ah...

Maleeshiyaad hubeysan oo Dhakhtar ka afduubtay Gaalkacyo

Magaalada Gaalkacyo ayaa xalay lagu afduubay Dr. Faarax Cabdi...

Soomaaliland oo si adag ugu jawaabtay war ka soo yeeray Iran

Xukuumadda Somaliland ayaa si cad uga jawaabtay hadallo ka...

Ciidamadii taabacsanaa Lafta gareen oo isaga tagay Awdiinle, gaarayna Berdaale

Wararka laga helayo Gobolka Baay ayaa sheegaya in dhaq-dhaqaaqyo...

NISA oo sheegtay in duqeyn ka dhacday Guulane lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab

Ciidanka NISA oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa fuliyay howlgallo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles