Iska horimaad ka dhacay Aqalka Cad ee Mareykanka

Ciidamada ilaalada madaxtooyada Mareykanka ayaa toogasho ku dilay nin hubeysan oo rasaas ku furay goob amni oo ku taalla meel ka baxsan xarunta Aqalka Cad.

Sida ay sheegeen saraakiisha amniga, dhacdadu waxay bilaabatay wax yar ka hor 6:00 fiidnimo waqtiga Bariga Mareykanka, markii nin uu soo dhowaaday goobta baaritaanka amniga ee ku dhow Aqalka Cad isla markaana uu rasaas ku furay ciidamada halkaas ku sugnaa.

Ciidamada ayaa si degdeg ah uga jawaabay weerarka, iyagoo rasaas ku celiyay kuna dhuftay weeraryahanka, kaas oo markii dambe ku geeriyooday isbitaalka.

Mas’uuliyiintu waxay xaqiijiyeen in qof rayid ah uu sidoo kale ku dhaawacmay israsaaseynta, inkastoo aan weli la caddeyn in dhaawacaasi uu ka dhashay rasaastii uu furay weeraryahanka ama rasaastii ay ciidamada amniga jawaabta u adeegsadeen, balse Xaaladda qofka dhaawacmay ayaa lagu sheegay mid halis ah.

Ciidamada amniga ayaa sheegay in aysan jirin wax dhaawac ah oo soo gaaray saraakiishooda, isla markaana Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, uu ku sugnaa Aqalka Cad xilliga weerarku dhacayay, isagoo aan waxyeello soo gaarin.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 03 11 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Aramco oo qorshaynaysa inay kordhiso awoodda dhuumaha shidaalka ee mara marinka Hormuz

Madaxa shirkadda shidaalka ee Sacuudiga ee Aramco ayaa sheegay...

Doorashada Mareykanka oo maanta bilaabatay

Malaayiin qof oo Mareykan ah ayaa maanta oo Talaado...

Jubbaland oo DDS ku wareejisay nin dilal ka geystay Itoobiya oo baxsad ahaa

Maamulka Jubbaland ayaa maanta maamulka Gobolka Liibaan ee Dowlad...

Jaamacadda Carabta oo garab istaagtay Soomaaliya, kana hortimid tallaabada Israa’iil ee Hargeysa

Jaamacadda Carabta ayaa si rasmi ah u cambaareysay tallaabada...

Hindiya oo markab burcad-badeeddu qabsadeen ka furtay xeebaha Soomaaliya

Dowladda Hindiya ayaa ku dhawaaqday inay howlgal milatari oo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles