Xubin ka tirsan Al-shabaab oo isku soo dhiibay ciidamada Xoogga

Xubin ka tirsanaa maleeshiyaadka Al-Shabaab oo lagu magacaabo Cali Maxamed Coloow Samaan ayaa isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku sugan deegaanka Mubaarak ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Sida ay sheegeen saraakiisha ciidanka, ninkan ayaa isagoo wata qori noociisu yahay AK-47 iyo boorsadiisa ka soo baxsaday deegaanka Ugunji, halkaas oo uu ka tirsan yahay maleeshiyaadka Al-Shabaab ee ka howlgala deegaannada gobolka.

Cali Maxamed Coloow Samaan ayaa sheegay inuu kooxda ku biiray horraantii sanadkii 2024, kadib markii uu ku qanciyay horjooge lagu magacaabo Cali Xabad oo ay qaraabo dhow ahaayeen. Mudadii uu kooxda ka tirsanaa ayuu ka dagaallamay gobollada Hiiraan, Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose.

Ninkan isa soo dhiibay ayaa sheegay in xaaladaha adag, cabsi joogto ah iyo dhibaatooyinka ka jira gudaha Al-Shabaab ay sabab u noqdeen inuu ka baxo kooxda, isagoo tilmaamay inuu garwaaqsaday inuu ku jiray waddo khaldan.

Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegay in xubintan ay si nabad ah u soo gaartay fariisimaha ciidanka ee deegaanka Mubaarak, halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen Taliyaha Ururka 143-aad ee Guutada 14-ka October, Dhamme Cali Mahdi Cabdi Beerdiide, iyo Taliyaha Ururka 215-aad ee Guutada Gaafmeer ee Ciidanka Gaarka ah, Dhamme Maxamed Nuur Gumbi.

Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe kordhiyay howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo sidoo kale ay sii badanayaan xubnaha kooxda ka soo goosanaya ee isu soo dhiibaya ciidamada dowladda.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 15 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

IGAD oo maanta Jabuuti ka furaysa shir looga hadlayo nabadda iyo amniga Geeska Afrika

Shir aan caadi ahayn oo ay yeelanayaan Golaha Wasiirrada...

Trump oo Danjirayaal Cusub u Magacaabay Soomaaliya, Jabuuti iyo Sacuudiga 

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa 14-kii Sebtembar 2026 u...

Cirro oo DF ku eedeeyay in ay dadka Kala qeybisay iyo arrimo xasaasi ah uu ka hadlay

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), ayaa sheegay in...

Duqeyn culus oo xalay ka dhacday duleedka Baydhabo

Duqeyn culus ayaa xalay ka dhacday deegaanka Ceel-Muud, oo...

Meleeshiyaad hubeysan oo dad rayid ah laayay iyo faahfaahin ka soo baxaysa

Ugu yaraan 15 qof ayaa lagu dilay weerarro ay...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles