Turkiga”Dalal ka tirsan Geeska Afrika ayaa codsanaya qaabka iskaashiga amni ee aan ka hirgelinnay Soomaaliya”

Wasiirka Difaaca Turkiga, Yaşar Güler, ayaa shaaca ka qaaday in dalal dhowr ah oo ku yaalla Geeska Afrika ay ka codsadeen dowladda Turkiga inay ka hirgeliso qaabka iskaashiga amni iyo difaac ee ay ka waddo Soomaaliya.

Yaşar Güler ayaa sheegay in Turkigu ay ka go’an tahay inuu sii xoojiyo taageerada uu siiyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan hawlgallada lagula dagaallamayo kooxaha argagixisada, isla markaana la sugo amniga mashaariicda istaraatiijiga ah ee Turkigu ka fulinayo Soomaaliya.

“Waxaan go’aansannay inaan sii wadno taageerada ugu badan ee aan siineyno hawlgallada ka dhanka ah argagixisada ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyo inaan sugno amniga howlaha qodista shidaalka iyo mashruuca xarunta dayax-gacmeedka iyo goobta tijaabada gantaallada ee laga dhisayo Soomaaliya,” ayuu yiri wasiirku.

Wuxuu intaas ku daray in dalal kale oo ku yaalla Geeska Afrika ay codsadeen in Turkigu uga hirgeliyo nidaam la mid ah kan Soomaaliya si loo xoojiyo nabadda, xasilloonida iyo amniga badda.

“Dalal dhowr ah oo ku yaalla Geeska Afrika ayaa naga codsanaya isla qaabka aan ka hirgelinay Soomaaliya si loo xaqiijiyo nabad, xasillooni iyo amni badeed, waxaana hadda ku guda jirnaa qiimeynta codsiyadooda,” ayuu hadalkiisa ku daray Yaşar Güler.

Wasiirka Difaaca Turkiga ma uusan magacaabin dalalka uu tilmaamay, balse wuxuu xusay inay yihiin waddamo ka tirsan gobolka Geeska Afrika, kuwaas oo doonaya inay ka faa’iideystaan khibradda iyo iskaashiga amni ee Turkigu ka hirgeliyay Soomaaliya.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 15 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

IGAD oo maanta Jabuuti ka furaysa shir looga hadlayo nabadda iyo amniga Geeska Afrika

Shir aan caadi ahayn oo ay yeelanayaan Golaha Wasiirrada...

Trump oo Danjirayaal Cusub u Magacaabay Soomaaliya, Jabuuti iyo Sacuudiga 

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa 14-kii Sebtembar 2026 u...

Cirro oo DF ku eedeeyay in ay dadka Kala qeybisay iyo arrimo xasaasi ah uu ka hadlay

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), ayaa sheegay in...

Duqeyn culus oo xalay ka dhacday duleedka Baydhabo

Duqeyn culus ayaa xalay ka dhacday deegaanka Ceel-Muud, oo...

Meleeshiyaad hubeysan oo dad rayid ah laayay iyo faahfaahin ka soo baxaysa

Ugu yaraan 15 qof ayaa lagu dilay weerarro ay...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles