Sunday, May 24, 2026

Turkiga”Dalal ka tirsan Geeska Afrika ayaa codsanaya qaabka iskaashiga amni ee aan ka hirgelinnay Soomaaliya”

Wasiirka Difaaca Turkiga, Yaşar Güler, ayaa shaaca ka qaaday in dalal dhowr ah oo ku yaalla Geeska Afrika ay ka codsadeen dowladda Turkiga inay ka hirgeliso qaabka iskaashiga amni iyo difaac ee ay ka waddo Soomaaliya.

Yaşar Güler ayaa sheegay in Turkigu ay ka go’an tahay inuu sii xoojiyo taageerada uu siiyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan hawlgallada lagula dagaallamayo kooxaha argagixisada, isla markaana la sugo amniga mashaariicda istaraatiijiga ah ee Turkigu ka fulinayo Soomaaliya.

“Waxaan go’aansannay inaan sii wadno taageerada ugu badan ee aan siineyno hawlgallada ka dhanka ah argagixisada ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyo inaan sugno amniga howlaha qodista shidaalka iyo mashruuca xarunta dayax-gacmeedka iyo goobta tijaabada gantaallada ee laga dhisayo Soomaaliya,” ayuu yiri wasiirku.

Wuxuu intaas ku daray in dalal kale oo ku yaalla Geeska Afrika ay codsadeen in Turkigu uga hirgeliyo nidaam la mid ah kan Soomaaliya si loo xoojiyo nabadda, xasilloonida iyo amniga badda.

“Dalal dhowr ah oo ku yaalla Geeska Afrika ayaa naga codsanaya isla qaabka aan ka hirgelinay Soomaaliya si loo xaqiijiyo nabad, xasillooni iyo amni badeed, waxaana hadda ku guda jirnaa qiimeynta codsiyadooda,” ayuu hadalkiisa ku daray Yaşar Güler.

Wasiirka Difaaca Turkiga ma uusan magacaabin dalalka uu tilmaamay, balse wuxuu xusay inay yihiin waddamo ka tirsan gobolka Geeska Afrika, kuwaas oo doonaya inay ka faa’iideystaan khibradda iyo iskaashiga amni ee Turkigu ka hirgeliyay Soomaaliya.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 05 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

DFS oo hor istaagtay dadkii maanta u safri lahaa dalka Masar

Agaasimaha hay’adda Socdaalka iyo jinsiyadda Xuseen Iidow ayaa maanta...

Dalal ay ku jirto Soomaaliya oo cambaareeyay safaarada Somaliland ay ka furanayso Qudus

Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee 14 dal oo Carbeed iyo...

Booliska oo gacanta ku dhigtay eedeysane loo haysto dil iyo dhaawac ka dhacay Hiiraan

Booliska Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay eedeysane lagu magacaabo...

Kooxo Burcad-badeed Soomaali ah oo kordhiyay weerarrada Gacanka Cadmeed

Warbixin cusub oo ay daabacday warbaahinta badda ee Maritime...

Xubin ka tirsan Al-shabaab oo isku soo dhiibay ciidamada Xoogga

Xubin ka tirsanaa maleeshiyaadka Al-Shabaab oo lagu magacaabo Cali...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles