Sunday, May 24, 2026

Kooxo Burcad-badeed Soomaali ah oo kordhiyay weerarrada Gacanka Cadmeed

Warbixin cusub oo ay daabacday warbaahinta badda ee Maritime Executive ayaa sheegtay in kooxo burcad-badeed ah oo ka howlgala xeebaha Soomaaliya ay sare u qaadeen dhaqdhaqaaqyadooda, iyadoo markab shidaal qaad ah lagu qasbay inuu rasaas digniin ah rido kadib markii ay si shaki leh ugu soo dhowaadeen doonno laga shakiyay.

Sida lagu sheegay xogta la gaarsiiyay Hay’adda UK Maritime Trade Operations (UKMTO), dhacdadan ayaa dhacday 22-kii May xilli markabka shidaalka qaada uu marayay Gacanka Cadmeed, qiyaastii 98 mayl-badeed u jira jasiiradda Socotra ee dalka Yemen. Kooxda amniga ee saarneyd markabka ayaa lagu qasbay inay ridaan rasaas digniin ah si ay uga hortagaan dadka ku soo wajahnaa.

Xarunta Midowga Yurub ee Amniga Badaha Badweynta Hindiya (MSCIO) ayaa sheegtay in tani ay tahay dhacdadii saddexaad ee noocan ah muddo toddobaad gudaheed ah. Bishii May 18-keedii ayaa meel u dhow magaalada Bosaso lagu arkay doon yar oo la rumeysan yahay inay isticmaaleen burcad-badeed doonayay inay bartilmaameedsadaan maraakiib ganacsi.

Sidoo kale 15-kii May waxaa la soo wariyay doon dheereysa oo hubeysan oo joojisay markab kalluumeysi, iyadoo dadkii saarnaa ay wateen hub u eg qoryaha AK-47.

Dhanka kale, saddex markab ayaa weli gacanta ugu jira kooxaha burcad-badeedda, kuwaas oo lagu hayo xeebaha Soomaaliya. Markabka shidaalka qaada ee MT Honour 25 ayaa la afduubay 21-kii Abriil, markabka xamuulka qaada ee Sward ayaa la qabsaday 26-kii Abriil, halka markabka shidaalka qaada ee Eureka la afduubay 2-dii May.

Wararku waxay sheegayaan in burcad-badeeddu ay dalbanayaan lacag madax-furasho ah oo gaareysa 3 milyan oo dollar si loo sii daayo markabka Eureka.

UKMTO ayaa ka digtay in khatarta burcad-badeednimadu ay weli aad u sarreyso xeebaha Soomaaliya iyo badda Soomaaliya (Somalia Basin), halka MSCIO ay tilmaantay in halista ugu weyn ay ka jirto waqooyiga Soomaaliya, gaar ahaan deegaannada Puntland iyo Gacanka Cadmeed.

Hay’adaha amniga badaha ayaa maraakiibta kula taliyay inay ugu yaraan 150 mayl-badeed ka fogaadaan xeebaha Soomaaliya ama haddii ay suurtagal tahay ay gebi ahaanba ka fogaadaan marin-biyoodkaas si loo yareeyo khatarta weerarrada burcad-badeedda.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 05 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

DFS oo hor istaagtay dadkii maanta u safri lahaa dalka Masar

Agaasimaha hay’adda Socdaalka iyo jinsiyadda Xuseen Iidow ayaa maanta...

Dalal ay ku jirto Soomaaliya oo cambaareeyay safaarada Somaliland ay ka furanayso Qudus

Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee 14 dal oo Carbeed iyo...

Booliska oo gacanta ku dhigtay eedeysane loo haysto dil iyo dhaawac ka dhacay Hiiraan

Booliska Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay eedeysane lagu magacaabo...

Turkiga”Dalal ka tirsan Geeska Afrika ayaa codsanaya qaabka iskaashiga amni ee aan ka hirgelinnay Soomaaliya”

Wasiirka Difaaca Turkiga, Yaşar Güler, ayaa shaaca ka qaaday...

Xubin ka tirsan Al-shabaab oo isku soo dhiibay ciidamada Xoogga

Xubin ka tirsanaa maleeshiyaadka Al-Shabaab oo lagu magacaabo Cali...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles