NISA Oo sheegtay in la Burburiyay Fariisimo Al-Shabaab ku Lahaayeen Hiiraan

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa sheegtay inay howlgal qorsheysan oo ay kaashanayeen saaxiibada caalamiga ah ka fuliyeen deegaanka Tardo ee gobolka Hiiraan, kaas oo lagu beegsaday fariisimo iyo agab ay kooxda Al-Shabaab u adeegsan jirtay weerarro iyo dhaqdhaqaaqyo militari.

Bayaan kasoo baxay NISA ayaa lagu sheegay in ugu yaraan shan xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab lagu dilay howlgalka, kaddib markii la helay xog sirdoon oo muujinaysay in deegaanka lagu uruuriyay maleeshiyaad lagu qiyaasay 25 xubnood, kuwaas oo isugu jiray dagaalyahanno iyo saraakiil ka tirsan kooxda.

Sida ay hay’addu sheegtay, xubnahaasi ayaa qorsheynayay dhaqdhaqaaqyo lagu carqaladeynayo amniga iyo xasilloonida gobolka Hiiraan, taasoo sababtay in la qaado howlgalka lagu bartilmaameedsaday goobaha ay ku sugnaayeen.

NISA waxay intaas ku dartay in ciidamada fuliyay howlgalka ay si gaar ah u beegsadeen xarumo iyo goobaha gabaadka u ahaa kooxda, iyadoo la burburiyay fariisimo iyo agab ciidan oo loo adeegsan jiray isku socodka, maamulka iyo hawlgallada Al-Shabaab.

Sidoo kale NISA ma soo bandhigin magacyada iyo sawirada maleeshiyaadka Al-Shabaab ay sheegtay in la dilay.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii u dambeeyay xoojisay howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay dagaallo ka wadaan deegaanno badan oo ku yaalla bartamaha iyo koonfurta dalka.

Mas’uuliyiinta dowladda ayaa sheegay in howlgaladan ay qayb ka yihiin dadaallada lagu wiiqayo awoodda kooxda iyo sugidda amniga deegaannada laga saaray maleeshiyaadka Al-Shabaab.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 15 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

IGAD oo maanta Jabuuti ka furaysa shir looga hadlayo nabadda iyo amniga Geeska Afrika

Shir aan caadi ahayn oo ay yeelanayaan Golaha Wasiirrada...

Trump oo Danjirayaal Cusub u Magacaabay Soomaaliya, Jabuuti iyo Sacuudiga 

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa 14-kii Sebtembar 2026 u...

Cirro oo DF ku eedeeyay in ay dadka Kala qeybisay iyo arrimo xasaasi ah uu ka hadlay

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), ayaa sheegay in...

Duqeyn culus oo xalay ka dhacday duleedka Baydhabo

Duqeyn culus ayaa xalay ka dhacday deegaanka Ceel-Muud, oo...

Meleeshiyaad hubeysan oo dad rayid ah laayay iyo faahfaahin ka soo baxaysa

Ugu yaraan 15 qof ayaa lagu dilay weerarro ay...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles