Aadan Madoobe oo Xildhibaan Abiib ku eedeeyay inuu lumiyay xubinnimada Golaha shacabka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sheegay in Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib uu lumiyay xubinadii Golaha Shacabka ee BFS, waxa uu ku baaqay in si deg deg ah loosoo buuxiyo booskiisa.

Aadan Madoobe ayaa sheegay in xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib oo  ku fadhiyay kursiga tirsigiisu yahay Hop021 uu lumiyay xubanimadiisa, kaddib markii in ka badan labo kalfadhi uu iska maqnaa isaga oon wax cusur daar ah keynniin.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sheegay in looga baahanyahay hay’adaha ku shaqada leh in ay soo buuxiyaan kursiga lambarkiisu yahay Hop#201, uu lumiyay xildhibaankii horey ugu fadhiyay oo kasoo jeeda gobolada waqooyi.

Xildhibaankan laga qaaday xasaannada sidoo kale lumiyay in Golaha Shacabka kasii mid ahaado , ayaa kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka ku ah dowladda Xasan Sheekh, waxa uuna marar badan qoraalo ka dhan ah dowladda u diray hay’addo iyo dalal taageera dowladda Soomaaliya.

Xildhibaan Abiib, oo kasoo jeeda Goballada Waqooyi ee Soomaaliya, ayaa kamid ah xubnaha sida weyn u diidan hab maamulka madaxda dowladda ee dalka, waxa uuna si joogta ah uga qoraa warbixinno lala wadaago hay’ado iyo dowlado ajnabi ah.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 16 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Janan oo Baladxaawo tagay, heshiiskii Nairobi iyo wareejinta xerada UK oo la qorsheeyay

Wararka laga helayo G/Gedo ayaa sheegaya in Cabdirashiid Janan...

Shiinaha oo digniin u diray Somaliland kadib xiriirka Taiwan

Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya ayaa si adag uga hadashay...

Mareykanka oo soo jeediyay in xafiiska Q.M ee UNSOS hal sano oo dheeraad ah lagu kordhiyo

Dowladda Mareykanka ayaa soo jeedisay in Xafiiska Taageerada Qaramada...

Fadhigii Golaha Shacabka oo maanta Baaqday

Waxaa maanta baaqday fadhiga ay yeelan lahaayeen xildhibaanada Golaha...

DFS oo sheegtay inay burburisay shabakado ka tirsan Al-Shabaab

Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya (NISA) ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles