Thursday, June 19, 2025

Ciidamada Xoogga oo Al-shabaab badan ku dilay dagaal ka dhacay Shabeelada Dhexe

Ciidamada Xoogga Dalka iyo Dadka deegaanka ayaa jab culus Al-shabaab ku gaarsiiyay deegaanno dhaca Gobalka Shabellaha Dhexe

Ciidamada  ayaa weerar ku qaaday goobo Maleeshiyaadka Al-shabaab ay gabaad ka dhiganayeen aagga Deegaanka laba Garas ee Gobalka Shabellaha

Ciidamada ayaa Dagaalka ku dilay maleeshoyaad iyo hormonal audio  kale, geesiyada Xoogga Dalka iyo saw u dirirka Deegaanka ayaa burburiyay guud ahaan goobihii gabaadka ey ka dhiganayeen Khawaariijta ee Deegaanka laba Garas.

Dhanka kale Geesiyada CXDS iyo saw dirirka Deegaanka ayaa Deegaanka Sumadaale Kaga hortagay Xubno ka tirsan Khawaariijta oo Damacsanaa dhibaateynta Shacabka

Ciidamada ayaa burburiyay Gaari Walxalaha Qarxa ey Argagixisada ka so buuxiyeen kaa oo ey doonayen iney Shacabka ku dhibaateeyaan

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Ganeraal Sahal Cabdullahi Cumar oo ku sugan furimaha dagaalka ayaa tilmaamay in Khawaariijta jab culus la gaarsiiyay ciidamada ay ka hortageen dhammaan damacyadii gurracnaa Argagixisada ee ku aaddanaa dhibaateynta Shacabka

Deegaanka Sumadaale ilaa aaga Bur Shiikh ayay Ciidamada xiligaan ka wadaan howlgal culus oo la doonayo in la soo qabto xubnaha ka tirsan maleeshiyaadka Al-shabaab.

WARARKII KALE

Israa’iil oo dil ugu hanjabtay hoggaamiyaha Iran Ayatollah Ali Khamenei

Wasiirka difaaca Israa’iil ayaa sheegay in hoggaamiyaha sare ee...

DFS oo sheegtay in muwaadinkii ugu horeeyay ee Soomaaliyeed laga soo qaaday dalka Iiran lana geeyay dalka Turkiga

Howlwadeennada Safaarada JFS ee wadanka Turkiga ayaa goor dhawayd...

Warmurtiyeed maanta laga saarayo shirka gogosha Wadatashiga Qaran ee ka socda Muqdisho

Shirka Gogosha Wadatashiga Qaranka ee uu furay Madaxweynaha  Soomaaliya...

Maleeshiyaad hubeysan oo dad shacab ah ku weeraray deegaan hoostaga Ceelbuur

Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in...

Wararkii ugu dambeeyay dagaalka u dhexeeya Iran iyo Israa’iil

Wararkii ugu dambeeyay dagaalka u dhexeeya Iran iyo Israa’iil...

Puntland oo ka hortimid shirka ka socda Muqdisho iyo weerar afka ah oo ay ku qaadeen RW Xamsa

Wasiirka warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir oo maanta warbaahinta...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles